Deg Deg: Ujeedada Rasmiga Ah Ee u Tagay Madaxweyne Siilaanyo Dalka Imaaradka Carabta

Date:

Madaxweynaha Somaliland oo wakhtigii xukuumadiisa iyo madaxweynanimadiisaba ay hadda ka hadhsanyahiin wax ka yar 6 bilood oo qudha, ayaa saaka ka dhoofay gegida diyaaradaha Egal Intl Airport ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Afhayeenkiisa oo gegida diyaaradaha Egal Intl Airport kula hadlaayay warfidiyeenadda ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa, wuxuuna sheegay in ujeedada socdaalka madaxweynahu ay tahay mid gaar ah, oo madaxweynahu ku soo nasanayo dalka Emirateka Carabta, isla markaana wuxuu sheegay Afhayeen Dayr, in intuu ku suganyahay dalka Emirateka uu madaxweynahu wixii dano ah ee arrimaha Somaliland ku saabsan uu soo qaban doono.
Haddaba shabakadda HALBEEGNEWS ayaa 24 kii saacadood ee ugu danbaysay waxay isha ku haysay safarka madaxweyne Siilaanyo uu xilligani ugu baxay dalka Emirateka iyo ujeedada rasmiga ah ee safarkiisu daaranyahay.
Sida qof ku dhaw qasriga looga taliyo dalka Emirateka carabtu uu u xaqiijiyey shabakadda HALBEEGNEWS, madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisa ayaa laga siiyay magaalada Abu-dhabi ee xarunta dalka Emirateka guri ay dawladda Emirateku ugu abaal gudayso, sidoo kale madaxweynaha ayaa la filaya inuu soo saxeexo dhokamanti jeeg ah oo hadyad ah oo madaxweynaha dalka Emirateka Khilifa Bin Sayed Al Nahyan uu hadyad ku siiyay madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisa.
Sida xogtani u xaqiijinayso HALBEEG, madaxweyne Sayid ayaa madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisa ka siiyay duleedka magaalada Abu-dhabi guri weyn oo ka kooban todoba qol, wuxuu sidoo kale madaxweyne Khaliifa ugu yaboohay qoyska Siilaanyo lacag dhan 20 malyuun oo dollarka maraykanka ah, oo iskugu jirta xaqul jeeb iyo kharashaadyo kale oo degenaansho ah, kuwaasi oo loogu abaal guday ogolaanshahii ay xukuumadiisu u ogolaatay dawladda Emirateku inay saldhig militery ku yeelato magaalada Berbera.
Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Degi Doona Magaalada Abu Dhabi Ka Dib Markuu Xilka Ka Dego
Sida xogo ku dhaw madaxweynaha Somaliland ay shabakadda HALBEEG u xaqiijiyeen, madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisa ayaa si rasmi ah u degi doona magaalada Abu-dhabi ee xarunta isku tagga emirateka carabta, ka dib markuu madaxweynahu xilka ka dego bisha December ee sannadkani 2017, iyadoo la filayo in noloshiisa badankeedana uu ku qaadan doono dalka Emiratka.
Wiilka u sodoga ah madaxweynaha Somaliland oo ku magacaaban safiirka dalka Emirateka u fadhiya Somaliland Baashe Cumar ayaa muddo dheerba usii gogol xaadhaayay in madaxweynaha iyo qoyskiisuba ay degaan dalka Emirateka.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...