Somaliland: Geeska Afrika Oo Xoggo Ka Helay Socdaalkii Wasiirka Maaliyda Itoobiya Ku Yimi Hargeysa

Date:

Weftigii uu hoggaaminayay wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide, ee socdaalka ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa dib ugu laabtay dalkooda, khamiistii, ka dib markii ay habeen u hoyden magaalada Hargeysa.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka weftigan oo Madaxweyne Biixi la yeeshay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin iyo mid ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiiradu. Laakiin warar uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ujeedada ugu weyn ee socdaalka Wasiirka maaliyadda Itoobiya salka ku hayay dardargelinta heshiiskii dekedda Berbera ee ay Itoobiya ku lahayd saami ah 19% oo tan iyo markii uu Raysalwasaare Abiye talada qabtay u muuqday mid hoos loo dhigay oo dhaqdhaqaaqiisii yaraaday. Waxa kale oo uu u socday is waafajinta cashuuraha ganacsiga iyo jidka Berbera Corridor.

Warku wuxuu sheegay in Raysalwasaare Abiye oo toddobaadkii hore socdaal ku tagay dalka UAE ay madaxda UAE wax ka weydiisay heshiiskii dekedda Berbera ee ay ku midaysnaayeen DP world oo leh 51%, Somaliland oo leh 30% iyo Itoobiya oo leh saami ah 19%, waxaanu warka uu Geeska Afrika helay sheegay in socdaalka Wasiir Axmed Shide ahaa jawaabta socdaalkii uu Abiye ku tagay dalka UAE.

Warka uu Geeska Afrika helay waxa kale oo uu sheegay in Wasiir Shide ay Madaxweyne Biixi sidoo kale ka wada hadleen qorshaha uu Abiye Axmed ku doonayay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo keeno magaalada Hargeysa ee Somaliland oo uu Madaxweyne Biixi khudbadii uu Baarlamaanka u jeediyay ku gacan saydhay.

Wasiir Shide, ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Biixi u sheegay in qorshaha Itoobiya ahaa niyad wanaag, balse aanay uga jeedin cadaadis iyo in xaaladu sii xumaato, waxaanu sheegay inay arkeen dareenka ka dhashay qorshaha Raysalwasaare Abiye.

Waxa uu warku sheegay inuu muuqdo inuu halkaas ku istaagay fikirkii uu Raysalwasaare Abiye Axmed watay uu ku doonayay inuu Farmaajo ku keeno Hargeysa, laakiin si rasmi ah looma xaqiijin karo in Raysalwasaare Abiye hakiyay fikirkiisa iyo inuu sidaas ku laalay.

Geesta kale, warbixinta ‘Week in the horn’ ee ay jimce kasta soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxa shalay lagu soo hadal qaaday raaligelintii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay xasuuqii Siyaad Barre iyo soo dhawaynta Madaxweyne Biixi. Waxaanay tidhi “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raaligelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah.”

Wasaaradu waxay xaqiijisay kulankii Addis Ababa ku dhex maray labada madaxweyne waxaanay sheegtay in dhawaaqa Madaxweyne Farmaajo ee uu raaligelinta ku bixiyay ay ka mid tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkay isfaham ay labada dhinac gaadheen, “Toddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa.” Ayay warbixintu ku soo gunaanaday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...