Xukuumaddu Waxay Ka Hadashay Sababta Ay U Hor Istaagtay Prof ISmaaciil Hurre Buubaa,
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababta ay u hor istaagtay safar uu dalka Kenya ku tegi lahaa siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo kka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Wasiiru-dawlaha amniga Maxamed Muuse Diiriye oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu Ismaaciil Hurre Buubaa doonayay inuu ku dhoofo baasaaboor diblomaasi ah oo laga leeyahay dalka Somalia, waxaana uu sheegay inaanay taasi marna dhici karin, sidaasna uu kaga baaqday safarkiisii Nairobi, isagoo arrimahaas ka hadlayana wasiirku waxa uu yidhi:
“Baasaaboor soomaaliwayn ah baan kaga baxayaa airport ka Hargeysa isaga iyo qayrkii toona ka aqbali mayno, waxa uu sitaa baasaaboor diblomaasi ah oo soomaaliya leedahay, miyuu keenan qaato”
Geesta kale waxaa jira dhaleecayn ay la kulmayso xukuumaddu oo arrinkaasi ku aadan gaar ahaana, laanta socdaalka Somaliland oo lagu eedeeyey inay soo bandhigtay baasaaboorka Ismaaciil Hurre Buubaa, waxaana ay dadka sharciga wax ka yaqaana arrinkaas ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah dawladnimada iyo sharafta muwaadinka.
Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka mid ah garyaqaanada sharciga ku xeeldheer ayaa soo baasaaboorka ku macneeyey sir qof kasta u gaar ah waxaana uu sheegay inay foolxumo tahay in la soo bandhigaa, qoraal uu arrinkaas kaga hadlayay oo uu baraha bulshada soo dhigay ayaa u dhignaa sidan:
“Baasbooradu waxay ka mid yihiin siraha qofka u gaarka ah. Waa ceeb in qof macluumaadka baasaboorkiisa la baahiyo isaga oo aan ogolaan”.