Somaliland: Xaalada Gobalka Togdheer Oo Faraha Ka Baxaday + Wasiiro Ka Cabsi Qaba Inu Xanuun Soo Rito Oo Qol Isku Ooday,,,

Date:

Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey wafti wasiiro ah iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo shalay shafar deg deg ah ugu baxay magaalada Burco waxaana uu yidhi,

” Waxaannu maanta booqasho hawleed oo rasmi ah ku nimid xarunta gobolka Togdheer ee Burco, wefti balaadhan oo ka kooban xubno wasiiro ah, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, iyo gudoomiye ku xigeenka, Wasiiradana ay ka mid yihiin wasiirka waxbarashada, wasiirka Maaliyada, iyo wasiiru dawlaha ganacsiga.

Weftigaas ujeedadiisu waxay ahayd gurmad ku aadan xaalada gobolka Togdheer ka jirtay maalmahan iyo xanuunka, waxaannu halkan u nimid gurmad iyo gargaar, annaga oo taas ka duulayna waxaannu caawa shir la yeelanay madaxdii kala duwanayd gaar ahaan hawl-wadeenada wasaarada caafimaadka, dhakhaatiirkii, aqoonyahanadii oo uu wasiirku hor-kacayo, maamulkii gobolka, golahadii deegaanka uu duqa magaaladu kor kacayo, shir weyn oo qiimo badan ayuu ahaa, shirkaa waa laysku xogwaraystay, waxana laga hadlay xaalada iyo heerka uu xanuunkani ka marayo gobolka, waxa layska waraystay talaabooyinka inala gudboon inaynu qaadno wakhtigan dhaw iyo wakhtiga fog labadaba, waxyaabahaas oo dhan shirkaa caawaa lagu kala bogtay talooyin iyo go’aamo aad u loxdan ayaana ka soo baxay dhamaantoodna hadii Alle ka dhigo beri ayaanu baahin doonaa.

Xaalada gobolka Togdheer waa xaalad degan, oo aan maanta ahayn mid khatar ah ama lagga werwero, waxay u baahan tahay xakamayn, daaweyn iyo wacyi galin, xukuumad ahaana taas ayaanu wadnaa. ” ayuu yidhi

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...