Somaliland: “Mashruuca Aannu Gacanta U Qaadno Waanu Dhamays Tirnaa. Shuban Biyoodkan Waanu Qa,,

Date:

“Mashruuca Aannu Gacanta U Qaadno Waanu Dhamays Tirnaa, Waxaannu Rajaynayaa Inuu Dhismaha Jeelkani Dhammaado, Wax Weyna Ka Taro Nidaamka Garsoorka Dalka” Wasiir Xaashi

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi Oo maanta kormeer ku tegay isagoo ay wehelinayaan wasiiro, masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo uu hormuud ka yahay gudoomiyaha ahan murashaxa doorashada madaxtooyada ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland.

Markii kormeerkaasi dhamaaday waxa saxaafadda weedho kooban siyey wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxaana ka id ahaa “Jeelkan Burco waxa la dhisay wakhtigii Ingiriiskii, maxaabiista uu qaadi karaana waa yartahay, duruuftaas oo dhan waa mid run ah oo xaqiiq ku salaysan, waxana ay tahay ta aannu ka duulnay ee jeelkan aannu u dhisnayno ee ay mashruucan xukuumaddu u fulisay.

Mashruucan xabisga dhaxe ee magaalda Burco oo ah halkan, waxa ku baxaya Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar ($1, 500, 000), Xukuumadda Somaliland ayaa fulinaysa, lacagtaa qayb ayaa la bixiyey qaybta kalena hada waa la bixinayaa, shirkadiina gacanta ayey ku haysaa, ma jiro Jeel istaagay, waxaanu beeninaynaa in dhisme istaagay uu jiro, waxaan u mahad celinayaa shirkada Al Baraka oo runtii xoog saartay, waa shirkad caan ku ah dhismayaasha, waana kaa socda.

Waxaan maqlayey iyadoo la leeyahay jeelkii waa istaagay, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo meelna dhagax ma dhigno, hadaanu dhignana waanu dhisnaa, mashruuca aannu gacanta u qaadnana waannu dhamays tirnaa, waxaanu rajaynayaa inuu jeelkani dhammaado, wax weyna ka taro nidaamka garsoorka cadaaladda iyo dhaqan celinta maxaabiista”.
Allah Mahad leh.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...