Inan ayaa aabeheed ku tidhi waxaan rabaa inaad ii keento IPAD (Tablet) Markuu usoo iibiyay muddo yar ka dib ayuu ku arkay Ipad kii oo is badal badan ku imid.
samaysay Ipadka?
Inantii: Maya aabo, shirkadu iyada ayaa nagula dardaaranta arinkan.
Aabihii: Oo ma Ipad qiimo yar lagaa siiyay baa, maxaad waxan oo dhan ugu dartay?
Inantii: Maya aabo, waa qaali laakiin haduu wax noqdo qiimahiisa ayaa hoos u dhacaya.
Aabihii: Ka waran imaka, wax fool xumo ah miyay kusoo kordhisay arinkan aad samaysay?
Inantii: May aabo, waabuu sii qurux badnaaday, hadii uu xitaa fool xumaado waxaa ka muhiimsan ilaalintiisa.
Intuu indho dabacsan ku eegay inantiisii ayuu ku yidhi: Aabo waa kaas #xijaabka sharciga ah wanaagiisu.