Wararka naga soo gaadhaya degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daadmadheedh ayaa waxay sheegayaan in shalay galinkii danbe ay ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska dawlad deegaanka Somalida Itoobiya sifo sharci daro ah gudaha ugu soo galeen degmada Xaaji Saalax oo ka tirsan gobolka Daadmadheedh.
Askartan oo tiraddooda naloogu sheegay 4 askari ayaa waxay gudaha usoo galeen shalay galinkii danbe iyaga oo wata qoryahoodii,waxaana ay wakhti kooban ku jireen xadka Somaliland ee degmada Xaaji Saalax.
Waxaana askartan naloo sheegay in wateen gaadhi nooca dagaalka ah ee loo yaqaano 1H-ka,kaas oo ay kasoo dageen,waxaana ay bulshada deegaankaasi lasoo daristay cabsi iyo Khalkhal ku waajahan askartan.
Ciidamadan ayaa la sheegay in doonayeen nin askari ah oo hore uga tirsanaa ciidankooda balse kasoo baxsaday,waxaana ay baadheen goobo kala duwan oo degmada kamid ah iyaga oo markii danbena dib ugu noqday dhankaa iyo xadka Itoobiya ee ay ka yimaadeen.
Ciidamadan Liyuu Booliska ayaa la sheegay inay degmada kusoo galeen qaab sifo sharci darro ah,ciidamada Booliska Somaliland ee degmadaasi ku sugan ayaan iyagu wax talaabo ah ka qaadin ciidamadan Liyuu Booliska ah ee sifada sharci darroda ah ugu soo dhaafay xadka Somaliland.
Maaha markii u horeysay ee ciidamo Liyuu Boolis ahi ay gudaha usoo galaan degmada Xaaji Saalax oo ka tirsan gobolka Daadmadhedh isla markaana ah magaalo xuduudeed u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya.