Wararka ay Wargane helayso ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliska Somaliland hawl gallo ay sameeyeen ku qabqabteen dad sifo sharci daro ah duleedka iyo dooxyada Hargeysa ugu karsanayey cunto xaaraan ah oo aan soomanayn iyo maherado qaab dhuumalaysi ah ugu karinayey cuntada Suuqyada Hargeysa isla markaana ku iibinayey.
Waxaana dadkan ay ciidamadu qabqabteen ay iskugu jireen rag waa wayn iyo Dhalinyaro kuwaas oo aan soomin Bisha barakaysan ee Ramadan islamarkaana si dhuumaalaysi ah u karsanayey cunto ay cunaan una Iibinayey ayaa hawl gallo ay ciidamadu sameeyeen ay kusoo qabqabteen dadkaasi.
Dadkan ay ciidamadu soo qabqabteen oo tobaneeyo kor u dhaafaya ayaa waxa naloo sheegay in la filayo in sida ugu dhakhsaha badan loo soo taago maxkamadd.
Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale waxay hawl gallo ay ku qabqabanayaa dadka sifada sharci darada ah u karsanaya Cuntada iyo meheradaha sida dhuumashada ah u iibinaya cuntada waxay ka wadaan guud ahaana magaalooyinka Somaliland.
Hawl gallkan ay ciidamadu ka wadaan gudaha magaalooyinka ayaa waxa uu kamid yahay shaqada qaran ee ay ciidamada Booliska Somaliland u hayaan shacabkooda iyaga oo mar kaste heegan ugu jira sugida amaanka shacabkooda.