Somaliland: Oo Safaarad Ku Yeellatay Magaalada Addis Ababa

Date:

Muuqaal lagu baahiyay barraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay dhisme dowladda Itoobiya ay ka siisay Soomaaliland xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Bole magaalada Addis Ababa.

Dhismahan ayaa wajigiisa hore waxaa ku xardhan Boor lagu qoray ‘’ The Republic Of Somaliland Permanent Diplomatic Mission Addis Ababa’’ taasoo muujineysa sidda ay dowladda Itoobiya raali uga tahay gooni isku taaga maamulka Soomaaliland.

Wararku waxaa ay sheegayaan in tallaabadan ay qaaday dowladda Itoobiya jawaab u tahay saamiga laga siiyay dakhliga kasoo xaroonaya dekadda Berbera, waxaana dowlada Itoobiya la siiyay saami dhan 19% dhaqaalaha kasoo xarooda dekadda Berbera ee maamulkeeda lagu wareejiyay Shirkada DPWorld.

Dowladda Itoobiya ayaa dhinaca kale saaxiib dhaw la ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo dhawaan kulan magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya uga wada hadlleen xoojinta xiriira labada dal iyo in dowladda dhexe ee Soomaaliya looga danbeeyo arimaha la xiriira diblumaasiyada iyo siyaasada arrimaha dibada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...