War Deg Deg Ah: Xukuumadda Oo Go,aan Ka Soo Saaray Xuska 18 May Nuxurka Qodobada

Date:

WAR-SAXAAFADEED: – 10/05/2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-4751/052017, ku magacaabay Guddida 18-ka May ee Taakuleynta Dadka Abaartu Tabaaleysay, waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:

Ujeeddo: Magacaabid Guddida 18-ka May ee Taakuleynta Dadka Abaartu Tabaaleysay

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 26aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas sannad kasta gobollada dalka oo dhan laga sameeyo dabaal-deg baaxad leh.

Haddaba, waxa ii muuqata in sannadkan 2017-ka uu ka duruuf iyo marxalad duwan yahay kuwii hore, maadaama ay dhacday abaar ba’an, isla markaana ay jiraan bulsho badan oo ka mida muwaadiniinta Somaliland oo ilaa hadda la il-daran diifta ay abaartu sababtay. Haddaba;

Markaan Arkay: In duruufta abaartu keentay gaadhay heer ay darxumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba;

Markii Aan Tixgeliyey: Dareenkii Bulshada Somaliland ee tibaaxayey in ay habboon tahay in sannadkan dabaal degga 18-ka May loo beddelo gurmadka dadka tabaalaysan;

Markii Aan Qiimeeyey:iNuxurkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee Lr. 219, ee qabsoomay 20/04/2017, ee ujeeddadiisu ahayd in dabaal-degga 18-kan May loo beddelo Gargaarka iyo Gurmadka dadkeena abaaruhu tabaaleeyeen;

Waxaan Go’aamiyey;

1. in Xuska 18-ka May ee sannadkan 2017-ka loo beddelo Taakulaynta iyo Taageerada Bulshada ay abaaruhu saamaayeen.

2. Waxaan idiin magacaabay Guddida Gargaarka iyo Gurmadka Bulshada Somaliland ee Abaaruhu Tabaaleeyeen, oo ka shaqayn doonta hawlahan:

B) Qaadhaan Uruurin socon doonta ilaa 26-ka bisha June, 2017-ka.
T) Diyaarinta Mashaariic lagu horumarinayo dadka tabaalaysan.
J) Qorshaynta iyo qaybinta mashaariicdaas si ay uga soo kabtaan duunyo la’aanta, diihaalka iyo diifta abaartu reebtay.

Sidaa darteed, waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo bini’aadannimo iska saari doontaan gargaarka iyo gurmadka bulshada Somaliland ee abaaruhu tabaaleeyeen.

Guddida La magacaabay:

Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Guddoomiye
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku-xigeen
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin
Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xubin
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xubin
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Xubin
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xubin
Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa Xubin
Ku: Mudane, Maxamed Shugri Jaamac (Rugta Ganacsiga) Xubin
Ku: Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahin (Rugta Ganacsiga) Xubin
Ku: Mudane, Maxamuud Cabdi Jaamac (SOLJA) Xubin
Ku: Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (Sonsaf) Xubin
Ku: Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Sonsaf) Xubin
Ku: Mudane, Cumar Cismaan Miigane (Sonyo) Xubin
Ku: Mudane, Cabdi-shakuur Sulub Xirsi (Sonyo) Xubin
Ku: Marwo, Sahra-kiin Cabdiraxmaan Axmed (Sonyo) Xubin
Ku: Marwo, Ismahaan Cabdi-salaan Xassan (Nagaad) Xubin
Ku: Mustafe Axmed Xassan (Nagaad) Xubin
Ku: Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi (Guddida Abaaraha) Xubin
Ku: Sheekh Maxamed Aadan Muxumed (Guddida Abaaraha) Xubin
Ku: Mudane, Cabdi-naasir Yuusuf Cismaan (Xisbiga UCID) Xubin
Ku: Mudane, Cabdirashiid Xassan Maxamed (Xisbiga UCID) Xubin
Ku: Mudane, Jamaal Jaamac Xaamud (Xisbiga WADDANI) Xubin
Ku: Dr. Axmed Aadan Buuxane (Xisbiga WADDANI) Xubin
Ku: Sheekh Maxamed Cali Geedi (Xisbiga WADDANI) Xubin

ALLAA MAHAD
Xuseen Adan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...