Malaysia: Shirkadda Malaysia Airlines oo shaqaale badan eriday

Shirkadda Diyaaradaha ee Malashiya oo sanadkii hore ay laba diyaaradood ka burbureen ayaa ku dhawaaqday in ay shaqadda ka eryeeso lix kun oo qof taas oo u dhiganta shaqaalaha shirkadda markii seddex loo qeybo qeyb.

Madaxa Shirkada, Christoph Mueller oo u dhashay dalka Jermalka ayaa sheegay in shirkaddu ay hadda tahay mid dhab ahaan musalaftay.

Bishii March ee sanadkii hore diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Malashiya ayaa la waayey iyadoo u kala safreysay magaaladda Kuwal Labuur iyo Bejing. Walina diyaaradaasi burburkeeda la ma helin.

Afar bilood ka dibna diyaarad kale oo ay shirkaddu leedahay ayaa gantaal ku heleelay oo uu ku suuriday dalka Ukaraine.

Dad odorasa arrimaha duulimaadka ayaa ku eedeenaya dhaqaala xumadda heysata shirkadda diyaaradaha ee Malashiya maamul xumo.

Comments

comments