Lionel Messi Oo Qarka U Saaran Inuu Barbareeyo Rikoor Uu Cristiano Ronaldo Horay Uga Dhigay Qaaradda Yurub.

Date:

Lionel Messi iyo Barcelona ayaa laga tuuray daaqadda Champions League goor hore markii ay u ku beegmeen koox leh daafac darbi ah oo aysan xitaa ku guuleysan iney hal mar shabaqooda soo taabtan, balse weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi ayaa qarka u saaran inuu barbareeyo rikoor uu goor hore yurub uga dhigay Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi wuxuu kusii socdaa inuu ku guuleysto abaalmarinta kabta dahabka gooldhalinta qaarada yurub markii afaraad madama uu yahay hogaamiyaha ugu sareey tartanka loogu jiro, balse Ronaldo 2015 ayuu ku guuleystay markiisii afaraad.

Ronaldo markii ugu horeysay wuxuu ku guuleystay 2007/2008 markaas oo uu ka tirsanaa United, sidoo kalana 2010-2011, 2014-2015 oo uu si kalinimo ah u qaaday isagoo ku sugan Real Madrid, halak 2013/2014 uu la wadaagay Luis Suarez oo ku sugnaa Liverpool.

Si kastaba Messi isagana sadex jeer ayuu ku guuleystay 2009-10, 2011-12 iyo 2012-13, hadda ayuu markiisii afaraad qarka u saaran yahay.

Lionel Messi wuxuu heystaa 33-gool, wuxuuna xidiga kusoo xiga ee Suarez ka sareeyaa 8-gool marka la fiiriyo La Liga sidoo kalana wuxuu 13- ka sareeyaa Ronaldo oo hesyta 20-gool.

Dhanka kale Ronalod isna wuxuu qarka u saaran yahay inuu gooldhalinta Champions League ku garaaco Messi madama uu 1-gool u jiro sidoo kalana uu heli karo ugu yaraan laba kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...