FIFA Oo Lionel Messi Ka Cafisay Ganaaxii Afarta Kulan Ee Ka Hor Istaagayay Inuu U Ciyaaro Qarankiisa Argentina.

Date:

Lionel Messi ayaa laga cafiyay ganaaxii afarta kulan ahaa ee kaga yimid FIFA kadib markii ay xiriirka kubadda cagta Argentina racfaan ka qaateen eedeyntii aheyd inuu aflagaado u geystay calanhaye kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka oo ay guul dirqi ah ka gaareen Chile

Weeraryahanka Barcelona ayaa laga mamnuucay inuu qarankiisa u ciyaaro wuxuuna ganaaxaas saameeyay kulankii ay qasaaro 2-0 ah kala kulmeen qarankiisa wadanka Bolivia.

Qof walba ayaa shaki galiyay rajada Argentina ee koobka aduunka kadib markii ganaax lagu soo rogay xidigooda ugu fiican, balse hadda qof walba ayaa rajeynaya in Argentina lagu arko koobka Aduunka.

“Guddiga racfaanka FIFA ayaa aqbalay racfaankii ka yimid xiriirka kubadda cagta Argentina oo ka wakiil ah ciyaariyahan Lionel Messi kana dhan ahaa go’aankii ay gudida ay ka qaateen anshaxa FIFA kuwaas oo cunaqabateyn kusoo rogay” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay FIFA.

Si kastaba Lionel Messi ayaa u furan inuu kasoo muuqdo kulamada ka haray qarankiisa Argentina ee isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koonfurta America.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...