Dhaqdhaqaaqa Matthijs de Ligt Ee Instagram Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Manchester United

Date:

Daafaca kooxda Ajax Matthijs de Ligt ayaa hubaal ay tahay inuu ka tagayo kooxda Amsterdam ka dhisan bilaha soo socda, laakiin dhibaatada jirta ayaa ah inaysan cidna aqoonin kooxda uu ku biirayo.Barcelona ayaa weli ugu cadcad saxiix da’ yarka xulka Holland. Kooxda Catalans waxa ay durbaba la soo wareegtay saaxiibkiisa Frenkie de Jong.

Barcelona waxa ay sidoo kale wadahadal la yeelatay wakiilka De Ligt, Mino Raiola laakiin ilaa iyo haatan wax heshiis rasmi ah lama gaarin.

Liverpool ayaa ah koox kale oo lala xiriiriyay 19 jirka kabtanka u ah Ajax kaasoo kooxda ku hogaamiyay semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Reds ayaa heysata xiddiga ay De Ligt iska garab ciyaaraan xulka Holland Virgil ban Dijk, waxaana la isla dhexmarayay inuu xiddigii hore ee Southampton kula biirayo Anfield. Laakiin ar kale wax heshiis ah ma dhicin.

Man United ayaa markii hore lala xiriirinayay De Ligt laakiin xiisahooda ayaa qaboobay ka dib talo ay ka heleen ninka suuqa kala iibsiga uga shaqeeya Marcel Bout kaasoo sheegay in da’ yarkaan uu cayili doono mustaqbalka madaama uu aabihiis cayilan yahay.

Ka dib Red Devils ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka danbe taasoo iyadana baabi’isay rajadii ay ka qabeen saxiixa xiddiga Dortmund Jadon Sancho.

Waxaa laga baqayay in Champions League la’aan ay sidoo kale sababi karto in De Ligt uu iska diido inuu u wareego Man United.

Laakiin taageerayaasha Old Trafford ayaa ku arkay baraha bulshada arin rajo gelisay, waxaana ay aaminsan yihiin in De Ligt uu imaanayo Old Trafford.

Rio Ferdinand ayaa bogiisa Instagram waxa uu soo geliyay kooxda Man United ee 2008 ee ku guuleysatay Champions League, waxaana xiiso leh in De Ligt uu ‘Like’ saaray sawirkaas.

Waxa uu sidoo kale De Ligt hore “Like” u saaray sawir uu soo geliyay weeraryahanka Man United Romelu Lukaku. Waxaan uu Instagram saaxiib kala yahay Paul Pogba.

Taageerayaasha United ayaana aaminsan inay tani cadeyn u tahay in xiddigaan uu u wareegayo Old Trafford.

Maxay kula tahay adiga?

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...