Waa jaceyl waali ah, waana mid tilmaamaya sida ay qof walba oo Chelsea ah u jeceshahay kabtankii hore qaranka England John Terry, madama ay Jamaahiirta bilaabeen qorshe ah iney kooxda kaga codsadaan in qeyb ka mid ah garoonka loogu magac daro halyeyga.
Kabtanka Chelsea ayaa isaga tagaya Stamford Bridge marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan, balse waxey baraha bulshada ka bilaabeen taageerayaasha olole ay ku doonayaan iney kooxda xidigaan ugu magac darto qeyb ka mid ah garoonka cusub ee ay kooxda dhisi doonto.
“Kabta/Hogaamiye/Halyeey.. ma jiro qof dunida saaran oo kaga weyn Chelsea. John Terry” sidoo kalana waxey codsi in la saxiixo u baahan ka bilaabeen website-ka change.org.
Ololaha baraha bulshada waxaa lagu magaceeyay #JohnTerryStand, sidoo kalana codsigii ay ka abuureen website-ka Change.or waxaa in ka yar 24-saacadood ku saxiixay in ka badan 2,500.
“Wuxuu ku guuleystay koob walba oo la dhigo ciyaaraha, isagoo intaas ku sugnaa Chelsea tan iyo bilowga waayahiisa ciyaaraha. ninkaan waa halyeey, kaliya Jamaahiirta Chelsea maahan, base waa mid laga jecel yahay dunida kubadda cagta”
“Hadii aa nahay Jamaahiirta Chelsea, waxaan dooneynaa in lagu sharfo isaga in loogu magac dar qeyb ka mid ah garoonka cusub ee Stamford Bridge kadib kabtanka ugu weyn waqti walba Chelsea”
Ugu dambeyntiina Chelsea ayaa ku dhawaaqday goor hore iney balaarineyso garonka Stamford Bridge lagana dhigi doono 60,000 kun kursi.