Somaliland: Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida Somaliland Oo Ku Baaqay In Dalka Lagu Xukumo Shareecadda Islaamka

Date:

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg, oo ka mid ah mudanayaasha golaha Guurtida, ayaa golaha ugu baaqay in lagu dhawaaqo ku dhaqanka shareecadda islaamka in dalka lagu maamulo. Islamarkaanna wuxuu sheegay in maxkamaddaha laga qaado baynadhkoodhka iyo wixii shareecadda islaamka ka soo horjeeda.

Xildhibaan Dheeg sidoo kale wuxuu sheegay in la si waafajiyo qodobka shanaad iyo calanka tawxiidku ku qoran yahay, oo shacab iyo dawlad-ba lagu soo noqdo shareecadda islaamka.
Xildhibaanku wuxuu sidaa ka sheegay fadhigii golaha guurtida ee shalay qabsoomay xarunta golaha.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Si Alle noogu naxariisto oo ajandaheenaan ku jiray oo aynu aad isugu raacnay oo aynu is-nidhi ha lagu dhawaaqo ku dhaqanka shareecadda islaamka in dawlad iyo shacab lagu soo noqdo.”
Sidoo kale, wuxuu golaha ugu baaqay in lagu dhawaaqo ku dhaqanka shareecadda islaamka in lagu maamulo dalka “Waxaan leeyahay haynu ku dhawaaqno shareecadda islaamka dalka lagu dhaqo, qodobka 5-aad iyo calanka tawxiidku ku yaallo ha la is-waafajiyo, baynadhkoodhkanna ha laga qaado maxkamadaha iyo wixii shareecadda islaamka ka soo horjeeda, inta in lagu baaqo ayaan soo jeedinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...