Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Shirka KULMIYE Kaga Qayb-galaya Farriin Qoraal Ah Oo Uu Imaaraadka

Date:

Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Hargeysa ka furmo 4-ta bisha October, 2020.

Shirweynaha oo qaban-qaabadiisa laga dareemayo Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa waxa soo kordhaya Wararka la xidhiidha siyaasiyiinta ka qayb-galaya, kuwa aan ka qayb-galaynin iyo kuwo doonaya inay si kale uga dhex muuqdaan.

Siyaasiyiinta la hadal-hayo in aanay ka qayb-galaynin waxa ka mid ah Aasasaha Xisbigaasi Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaga iyo Xubno Qoyskiisa ka mid ahi ay Laba Toddobaad ka hor ka dhoofeen Magaalada Hargeysa, iyagoo tagay dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, arrintaasi oo xilligaa keentay su’aal ah sababta uu dalka uga dhoofay maaddaama oo uu wakhti kooban ka hadhsan yahay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

Laakiin, Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo aanu ka qayb-galaynin Shirweynaha Xisbiga KULMIYE, balse uu doonayo in shirka laga akhriyo dhambaal uu ka soo diri doono dalka Imaaraadka Carabta.

Warka ayaa intaa ku daraya, in Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Warqad u soo dhiibayo Wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Cawil Cumar oo dhawaan ka soo ambo-baxaya Dalka Imaaraadka si uu Shirka uga qayb-galo isla-markaana uu uga akhriyo khudbadda qoran ee Axmed-siilaanyo u soo dhiibayo

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...