Wiil Yar Oo Aabihii U Bixiyay Messi Oo Daacish U Xidhnaa Muddo Laba Sanno Ah. Yaab

Date:

Dagaalyahanada Daacish ee ka Dagaalama gudaha Dalka Suuriya iyo ciraaq, ayaa waxa ay afduubeen Wiil yar oo Da’diisu ahayd 3 jir waxa aanay xidheen muddo laba sano ah, waxa aanay dib wiilkaasi yar xoriyadiisa dib ugu soo celiyeen kadib markii ay kooxdaasi ku guul daraysatay Dagaalkii Magaalada Mousil ee Dalkasi Ciraaq.

Sababta wiilkan yar ay kooxda Daacish u xidhay ayaa ahayd in wiilkan yar uu aabihii u bixiyay magaca Ciyaartooyga kooxda Barcelona ee Messi, waxa aanay waalidka wiilkaasi dhalay ku muujinyay arrintaasi taageerada aadka u balaadhan ee uu hayo Ciyaartoyga Messi.

Warbixinta wiilkan yar oo ay soo bandhigtay jariidada Daily Mail ee Dalkaasi Britain ayaa waxa kale oo ay sheegtay in qoyska uu ka dhashay wiilkan yari uu ka soo jeeda Qoomiyada loo yaqaano Yazidi’nta ee dagta waqooyiga Dalkaasi Ciraaq ,waxa aanay dad badan oo qoomiyadaasi ka mid ahi u gacan galeen kooxdaasi Daacish balse wiilkaasi yare e Messi oo ay kooxda Daacish gacanta ku dhigtay sanadkii 2014kii waxa ay haatan da’diisu tahay 5 jir waxa aanau isaga oo nabad qaba dib ugu soo noqday qoyskiisii laga afduubay laba sano ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...