Somaliland: Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Xalay Joojisay Dhismayaal Ganacsi Oo Ay Wasaaradda Waxbarashadu Dhisanaysay.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland ayaa xalay saqdii dhexe ciidamada Booliska amar ku siiyey inay joojiyaan dhismayaal ganacsi oo ay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadu kaga dhisanayaan xarunta waxbarashada gobolka Hargeysa.

Dhismayaashan la joojiyey Ayaan la garanayn sababta sharci darrada loogu dhisayey iyo waliba sida aanay dhismayaashaasi uga war hayn mudada Todobaadka ah ee la dhisayey dhismayaashaasi.
Dhismayaashan la joojiyey oo ah saddex Maheradood oo laga soo dhex jeediyey dayrka xarunta waxbarashada gobolka Hargeysa ayaa la hadal hayaa in markii hore loo malaynayey inay wasaaraddu ku kordhinayso, Hase’yeeshee markii danbe lagu war helay markii shalay albaabadooda dibada loo soo jeediyey .
Si kaste ha ahaatee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland oo masuul ka ah dhulka dawlada ayaa sheegay in ay xidh xidhay qaar amid ah shaqaalahii dhisayey maheradahaasi hase’yeeshee wali war rasmi ah lagama hayo waxa laga yeeli doono masuuliyiintii dhisanaysay.

Comments

comments