Somaliland: Wasiirka Maaliyada Oo Xilalkii U Kala Wareejisay Agaasimaha Cusub Iyo Agaasimihii Hore

“Waxaa Farxad Ii Ah Inaan Wareejiyo Xilkii Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada, Runtii Waa Qof Xil Kas Ah”

Wasiirka wasaaradda maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa maalintii shalay xilalkii u kala wareejisay Agaasimihii hore iyo agaasimihii Hore ee Wasaaraddaas Md Saleebaan Jaamac Diiriye iyo Agaasimaha cusub ee dhawaan madaxwaynaha Somaliland u soo magacaabay wasaarada Maaliyada. Munaasibadan oo ka dhacday Hutel Imperial Waxaa kasoo qaybgalay wasiirka maaliyada, wasiiru dawlaha wasaaradaasi, Guddoomiyaha haayada shaqaalaha, xisaabiyaha guud iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha xilka wareejinayay oo minaasibadaasi ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyay hawlihii uu qabtay mudadii uu agaasimaha ka ahaa wasaarada maaliyada, islamarkaana waxaa uu kusoo dhaweeyay agaasimaha uu madaxwaynuhu usoo magacaabay

“waxaa farxad ii ah inaan wareejiyo xilkii agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada, Runtii waa qof xil kas ah, oo waayo arag ah kuna kalsoonahay in uu shaqadaas ka soo bixi karo, waxaana aan leeyahay agaasime guud ku soo dhawoow xilka agaasinimada wasaarada maaliyada somaliland”Ayuu Yidhi Agaasimhii Hore Ee Maaliyadu.

Geesta kale waxaa isna munaasibadaasi ka hadlay agaasimaha cusub ee wasaarada maaliyada, isagoo u mahadnaqay madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland, kaasi oo Ilaahay ka baryay inuu fududeeyo xilka loo magacaabay.

Wasiirka maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa mahadnaq iyo bogaadin ku sagootiday agaasimhii hore ee wasaarada maaliyada iyadoo gacmo furana ku qaabishay agaasimaha cusub ee loosoo magacaabay wasaarada.

Gabagabadii wasiirka maaliyada Somaliland ayaa xilalkii u kala wareejisay agaasimhii hore ee maaliyada iyo agaasimaha cusub ee dhawaan madaxwaynuhu usoo magacaabay wasaaradaasi.Guddoomiyaha Haayada shaqaalaha, wasiiru dawlaha maaliyada iyo xubno kale oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa amaanay sida uu shaqada daacada ugu ahaa agaasimihii hore ee maaliyada.

Comments

comments