Somaliland: Oo Waajahday Beelihii Ku Dagaalamay SOOL, Hanjabaaddii Xaglo-toosiye, Digniintii Xaashi, Dersigii Cadami, Dabuubtii Faratoon & Dareenkii Samo-taliska Yaab

Date:

Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo Socdaal ku tagay Gobolka Sool, ayaa kulan la yeeshay Odayaasha Labada Beelood oo Walaalo ah oo Dagaallo ku dhex mareen Koonfurta Gobolkaasi, kuwaasi oo Xalka Colaaddoodu raagtay.

Weftiga Xukuumadda ee halkaasi tagay oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga, Caafimaadka, Biyaha, Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Waxbarashada, Taliyaha Ciidammada Qaranka iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa khudbado ay ka jeediyeen Madashii ay kula kulmeen Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha Baharar-same iyo Qayaad ee (Dhulbahante), ayaa si adag uga hadlay Colaadda labada Beelood ee soo noqnoqotay, waxayna Masuuliyiinta halkaa khudbadaha ka jeediyay ku nuux-nuuxsadeen siday Xukuumad ahaan uga go’an tahay Xal u helidda Colaaddaasi, Xal u heliddaana haddii laga maarmi waayo ay Awood u adeegsan karto.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa yidhi “Dawladdu waxay u soo diyaar-garowday inay wax ka qabato shaqaaqooyinkaa iyo Nabadgalyo-xumadaa aad xakameyn waydeen, ee intaas oo Dad ahi idiinku dhex yimaaddeen, ee la isku dayayey in wax laga qabto.”

Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa isaguna sheegay inaan dib loogu dul-qaadanayn Colaadda labada beelood oo Xukuumaddu faro-gelin ku samaynayso, “Uma Dul-qaadan doono sii socodka Arrimahan (Colaadda labada beelood) iyo dhimashada Macno-darrada ah ee socota. Waxaanu idiin sheegaynaa mar haddaad idinku tashan kari waydeen oo aad Heshiin kari waydeen, Dadkiina idin heshiisiin kari waayay inaanu Xukuumad ahaan soo dhex galayno Arrintan..”ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa halkaa ka sheegay in Xukuumaddu isla garatay in labada beelood ee Colaadda u dhexeysa Xalkeeda la raadinayo digniintii u dambaysay la siiyo, “Waxa Tirada la iskugu geeyay waa in Digniintii u dambaysay aynu soo siinaa Labadaa Beelood ee Walaalaha ah, Daahir yaa Shamis..”ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi “Halkan waxaan ka maqlayey Nin oday ah oo ka hadlayey oo yidhi “Xigaalna waanu waynay Xukuumad-na waanu waynay, ” waxaanu leenahay dhibaatada binu-aadamku isagaa keena, dhibtan xigaalkiina ma keenin Xukuumadda Somaliland-na ma keenin, idinkaa gacmahiina ku kasbaday, waa markhaati ma doon in laydiin soo gurmaday, Xukuumadda Somaliland wax Alle wax aanu hagranay ma jirto, waxa kaliya oo dhinaa hal shay, shay’gaasna malaa haddaa nagu khasbaysaan baan filayaa dee in aanu idin layno ayuunbaa noo dhiman, marka aan runta idiin sheego, oo mayd badan oo idinka ah aanu layno. Waxaanu keenay oo sanadkaa aad is dilayseen dushiina iyo hareerihiina tuban waxaa wiil qori madow sita, inamadaa inanna aanay deegaankiisii halkani ahayn, ee bacadka abaarta iyo silica iyo duruufta qaba ayaa idin dul taagan, waa ciidankii loogu tallo galay in haddii cadow shisheeye dibada inagaga yimaaddaan inay difaacaan, dee idinku cadow shisheeye ma tihidin, waa ciidamadii loogu tallo galay inay xeryo go’an ku jiraan ayaa maanta dhexdiina taagan, 11 guuto oo ciidamada qaranka ah ayaa intaa 50KM ah ku hareeraysan mudadaa tobanka bilood ah ee ilaayo ramadaantii hore, ee shaydaan isku kiin ibtileeyey ee colaaddaa iyo dhiig talaalkaa dhexdiinu socday, haddaay kuwaasi idin dhex joogin maanta jawigani may yeelateen, iska daaye Dhuumay maydaan wada joogteen, waydinkaa masaajidka ku wada tukanaya, waydinkaa magaallada wada jooga, maydaan wada joogteen, Dabataag-na maydaan wada joogteen meelo kalena maydaan wada joogteen, Runta aynu isku sheegno, dawladdu waa tii taa suuro galisay, maxaanu hagranay hadaanu waxaas oo cudud ah idiin keenay? Oo ciidankiina idinku dul silcay.”

Wasiir Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Waydinkaa meel walba iska doonaya, gaadmo ayaad isku madhiseen, waar dee ciidamo isku soo duulay oo lixaadle iskumaydaan layn, haddaan ciidamadaasi joogina ilaa tobankaa bilood, maanta intii colaaddu idiin dhaxaysayna tira dadka dhintay waanu garanaynaa dawladdii dalkan ayaanu nahay, hal maalin ayey dadkaasi dhiman lahaayeen haddaanay ciidanku isku kala dhex jirin, maanta caqli iyo xikmad aad idinku leedihiin kuma kala joogtaan ee waxaa ku kala joogtaan caqliga iyo awoodda dawladda Somaliland, markaa waa abaal ka dhac inaad tidhaahdaan waa isku kaayo eegteen, waar iskumaanu kiin dirin, iskumanaanu kiin eegin ee waanu idin kala celinay, waanu idinku dhex jirnaa walina waanu idiin maaro la’ nahay, xigaalkiina idinma hagran.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ma dhicin taariikhda reer reer kale meel ka saaran oo ka muquuniyey, miyaa idinku haysaan? Qolo qolo muquunin kartaa ma jirto, ma kala awood badnidin, mana kala itaal waynidin, mar haday sidaa tahay berri marka raggu madho ayuubaa daali doontaan, maanta sideetan in ku dhaw baa colaaddaasi galaafatay oo xabaalo ku jira, boqol iyo kontana waa dhaawac, waa nasiib darro, waa laba boqol iyo soddon dhimasho iyo dhaawac wax ku dhaw, berri ayuubaa la odhanayaa waar waxa nool ma u talinaa, intaas ayuubay aakhirka ku dambaynaysaa, dee maynu imikaba u talino intaan dhimashada iyo khasaaruhu badan, waxaanu leenahay oo Nabadda oo intiina wanaagsani iskaashada oo inta xun ka hor kaalaya, oo waxaanu u kaalinaynaa kuwa wanaagga wada ee nagala shaqeeya.”

Wasiirku Xaashi waxa kale oo uu sheegay, “Go’aamo Adag ayaanu soo saari doonaa, oo cidday saamayn ku leeyihiin ay labadiinan reer tahay, Nin walowba dhegta u taag go’aamadaa, nin walowba addeec go’aamadaa. Ciddii go’aamadaa ka hor timaadda baryi mayno, sidii Rag loo kala muquunin jiray ayaa la diin kala muquuninaynaa.”ayuu yidhi.

Dhanka kale, Mid ka mid ah Odayaasha labada Beelood ee Dirirtu u dhexeyso oo isaguna halkaa ka jeediyey hadal dheer oo ku saabsan Dhibaatada ay ka dhaxleen Colaaddan raagtay, ayaa yidhi “Haddaanu labada Beelood nahay waanu Waallanahay, Nin Waallanna wax baa laga qabtaa oo lama eegto. Colaad, Abaar iyo Cudur baa na wada haysta, Maatidayadii waata halkaa dhooban (joogta), waxna waa ba’een, waxna way bakhtiyeen, ILAAHAY keenay, laakiin annaga ayaa u sabab ah ayaan odhan karaa, ehelna sidaas ayaanaan u lahayn, Waxbarasho iyo Quudinba waanu ka tagnay, naftii u dambaysay ayaan naga sii firig-firig leh, markaa Cid Alaale iyo Ciddii wax naga qabanaysa diyaar baanu u nahay, ama Xoog ama Xaajo wax ha nagaga qabatee..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...