Somaliland: Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Gaadhay Deegaanada Colaada Ee Koonfurta Gobolka Sool Iyo Wafti Xukuumadda Somaliland Ka Socda Oo Ku Sugan

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool soona gaadhaya Wargane ayaa waxay sheegayaan in deegaanada ay colaada Sokeeye ka taagan tahay ee Koonfurta gobolka Sool ay gaadheen xalay xubno wasiiro ah iyo saraakiil ciidan oo ka socda maamulka Puntland kuwaas oo ku sugan deegaano kamid ah deegaanada ay colaadu ka istaadhan tahay ee Koonfurta gobolka Sool isla markaana ay ku dirirayaan laba beelood oo walaalo ah.

Waxaana wasiiradan ka socda maamulka goboleedka Puntland kamid ah sida xoguhu noo sheegeen wasiirka Waxbarashada Maamulkaasi Prof: Abshir Aw-yuusuf Ciise iyo wasiir ku xigeenka Caafimaadka maamulkaasi Puntland kuwaas oo ay waheliyaan saraakiil ciidan.

Waxaana hadda waftigan sida naloo sheegay ay ku sugan yihiin deegaanka Kalabaydh ee koonfurta gobolka Sool,Ilaa hadda se lama garanayo ujeedada rasmiga ah ee xubnahan u yimaadeen deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

Sidoo kalena waxa iyaduna xusid mudan in deegaanada Koonfurta gobolka Sool ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin wafti balaadhan oo wasiiro iyo taliyayaasha ciidamada qaranka ah kuwaas oo ka socda xukuumadda Somaliland isla markaana u socda nabadaynta beelaha walaalaha ee ku diriraya deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

Gabagabadiina deegaanada Koonfurta gobolka Sool ayaa waxa ka taagan colaad sokeeye oo muddo dheer  u dhaxaysay labada beelood oo walaalo ah oo wada dega deegaanada Koonfurta gobolka Sool taas marar badan sababtay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana ilaa hada socda shirar lagu nabadaynayo labadan Beelood oo walaalaha ah ee Ood wadaagta ku ah deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

Comments

comments