Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay shaqaaqada labada beelood ee walaalaha eek u dagaallamay Koonfurta gobolka Sool, waxana ay meesha ka saartay inay wax lug ah ku leedahay dhibaatadaas.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir(faro-toon) oo isaga oo gobolka Sool ku sugan arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan dedaal ugu jiraan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatadaas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac tiro badanba isugu jira.
Wasiir Faro-toon, waxa uu sheegay inay xukuumaddu waqti badan gelisay sidii beelahaas walaalaha ah iyo hubkoodaba ciidamada qaranka loogu dari lahaa, isaga oo meesha ka saaray inay si gaar ah u hubeeyaan beelaha, waxana uu yidhi, “Dawladda Somaliland hub ma siiso reeraha dagaallamaya, laakiin wixii diyaar ah ayey hubkooda ku qaramaysaa si nabadgelyadu u waarto oo xasiloonidu usii jirto, laakiin hub la isuguma dhiibo.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiir Faro-toon si dadban u sheegay inay jiri karaan shakhsiyaad deegaankaas kasoo oo shaqaaqadaas hurinteeda ka shaqaynaya, waxana uu tilmaamay inay kaliya dhibaatada shacabka uun wadaan kuwaasi, “Annagu deegaanka waanu nahay, waana jecelahay inay wax hagaagaan, laaakiin weli ma suurtogelin ka annaga na fashilinayaana inuu cid kale iyo meel kale eegto bay ahayd, laakiin inay dadkaas masaakiinta ah iyo colaaddaas dadka haysata inagu fashilayaa dadkaas uun buu fashilanayaa,” ayuu yidhi wasiir Faro-toon.