Somalia: Taliyaha Ciidanka Boliiska Federaalka oo Xilka La Wareegay

Taliyaha Cusub ee ciidamanka booliska Soomaaliyed C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa Munaasabadaan ayaa ka dhacday xarunta dugsiga tababarka ciidanka boliiska soomaaliyeed ee Ganaral Kaahiye, wuxuu xilka kala wareegay taliyihii hore Maxamed Sheekh Xasan Xaamud

Munaasabadda xilwareejinta oo uu  ka qaybgalay  wasiirka wasaaradda amniga Maxamed Abuukar Islow(Ducaale), waxaa ugu horrayn ka hadlay Taliyihii horre  oo ku dheeraaday waxqabadkii mudada xilka uu hayay iyo waxyaabihii usuurta galay .

Wuxuu sheegay inuu ku guuleystay Tayeenta ciidanka boliiska , qaadashada leyli saraakiil cusub oo boliiska kusoo biiray kana baxay dugsiyada sarre iyo jaamacadaha dalka , xiriirka taliska boliiska  la lahaa dowlad goboleedyada oo lahabeeyay , tababar mehradeedyo loo qabtay Gashanle sarre ilaa darajada xidigle oo dhowr dufcadood ahaa.

Taliyaha cusub  sareeyo guuto C/xakiin daahir saciid saacid ayaa u mahadceliyay taliyihii horre shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay, isagoo ballanqaaday inuu halkaa ka sii wadayo

wuxuu tilmaamay  in ciidanka boliiska kaalin mug leh ka qaadanayaan sugida amniga caasimada , isla markaana shacabka noqon doonaan kuwo amni hela.

Wasiirka wasaaradda amniga dalka Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa sheegay in lama huraan tahay ka shaqeynta amniga , culumada soomaaliyeedna laga doonaayo in wacyi galin balaaran siiyaan dhalinyarada laqalday , ciidankana diyaar u yahay ka shaqeynta amniga isla markaana la xisaabtan dhab ah uu jiri doono.

Comments

comments