Crystal Palace Oo Kabaha La Dul-Maratay Kooxda Arsenal Kadib Saddexlayadii Ay Soo Xambaaratay Arsenal

Crystal Palace ayaa garoonkeeda ku soo dubatay kooxda xaalada xun xili ciyaareedkan ku jirta ee Arsenal waxayna Eagles si sahlan ku soo garaacday kooxda Arsene Wenger ee rajadii ay ka qabtay kalamaha sare ay sii muuq beelayso. Crystal Palace ayaa qaab ciyaareed aad u fiican kala hortimid Gunners oo kulankan si buuxa ugu fashilantay waxayna jamaahiirta Gunners ee ololoha ugu jira in Arsene Wenger uu baxo ay sii heleen natiijo  kale oo si wayn u caawin karta.

Arsenal oo doonaysay in ay dib ugu soo laabto kaalinta shanaad ee miiska kala saraynta Premier Leaque-ga laakiin waxayna hadda guuldarada ka soo gaadhay Crystal Palace sabab u noqotay in ay kaalinta lixaad si buuxda ugu fadhiisato iyada oo Man United siisay fursad ay kaalinta shanad ugu sii jirto.

Arsenal ayaa is arkaysa iyada oo 7 dhibcood ka hoosaysa Manchester City oo kaalinta afraad ku jirta iyada oo waliba 9 dhibcood hoos uga dhacday Liverpool oo kaalinta saddexaad ku jirta. Waxay u muuqataa in Crystal Palace ay dhaawac wayn oo halis ay u gaysatay rajadii yarayd ee ay Arsenal ka qabtay in ay Champions Leaque-ga u soo baxdo.

SHIXIHII RASMIGA AHAA EE LABADA KOOXOOD:

CRYSTAL PALACE (4-2-3-1): Hennessey; Ward, Kelly, Sakho, Schlupp; Milivojevic, Cabaye; Zaha, Puncheon, Townsend; Benteke.

KAYDKA:Speroni, Flamini, McArthur, Fryers, Kaikai, Sako, Delaney.

ARSENAL (4-2-3-1): Martinez; Bellerin, Mustafi, Gabriel, Monreal; Xhaka, Elneny; Walcott, Ozil, Sanchez, Welbeck.

KAYDKA:  Gibbs, Mertesacker, Ramsey, Giroud, Oxlade-Chamberlain, Coquelin, Macey.

Arsenal ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo kaalinta lixaad kaga jirtay miiska kala saraynta Premier leaque-ga kadib markii ay Man United guul muhiim ah ka soo gaadhay Sunderland, wuxuuna Arsene Wenger doonayay in kooxdiisu ay sii wadato dagaalka loogu jiro afarta kaalmood ee Champions Leaque-ga loogu soo baxayo iyada oo waliba ay sii wada guulaysteen kooxaha waa wayn oo dhami.

DAQIIQADII 17 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! Crystal Palace ayaa xaalada ku xumaysay kooxda martida ahayd kadib markii uu  Andros Townsend uu Eagles u saxiixay goolka furitaanka isaga oo caawin ka helay xidiga saamaynta badan yeeshay ee Wilfried Zaha, wuxuuna Tonsend ciyaarta ka dhigay 1:0 ay kooxda Sam Allardyce hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Arsenal ayaa ku qasbanaatay in ay si xoogan u raadiso goolka barbaraha si ay ciyaarta ugu soo laaban karto waxayna dagaal wayn ugu jirtay sidii ay ku jabin lahayd difaaca Crystal Palace ee sida xoogan iskugu xidhnaa. Sanchez ayaa si fiican u garaacay goolhaye Hennessey daqiiqadii 24 aad balse darbada xidiga ree Chile ayaa bartilmaameedkeeda seegtay.

Crystal Palace ayaa Arsenal dhibaato ugu abuuraysay kubbada laaga xorta ah iyo kubadaha sare taas oo ay difaaca Gunners ku dhibtoonayeen. Crystal Palace ayaa dhinaceeda ka raadinaysay goolka labaad ee kalsoonida balse ciyaarta ayaa noqotay mid sii adkaatay.

Arsenal ayaa qaybtii hore ee kulankan samaysay saddex bartilmaameed oo goolka Crystal Palace ah laakiin mid ka mid ah ku may dhalin goolka ay doonayeen in ay ciyaarta ugu soo labataan halka Crystal palace ay hal gool ku dhalisay laba bartilmaameed oo ay goolka Gunners ku tuuray qaybtii hore ee ciyaarta waxaana lagu kala nastay 1:0 ay Crystal Palace hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay wali Crystal Palace ahayd mid halis wayn ku ah in rajada Arsenal ee soo laabashada ciyaarta ay disho waxaana daqiiqadii 50 aad offside ahaan looga diiday goolkooda labaad kadib markii uu Benteke gool ku dhaliyay kubbad uu markii hore iska joojiyay goolhaye Martinez taas oo jamaahiirta Arsenal walwal xun ku sii abuurtay.

DAQIIQADII 60 AAD markii ay ciyaarta waxba iska badali waayeen ayuu Arsene Wenger go’aansaday in uu sameeyo badalkiisa ugu horeeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Dany Welbeck oo kulankan ku fashilmay in uu saamayntii la doonayay ku yeesho waxaana kaydka ka soo baxay Olivier Giroud.

DAQIIQADII 63 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL!! Crystal Palace ayaa heshay goolka labaad ee ay musiibada ugu sii abuurtay kooxda martida u ahayd ee Arsenal waxaana gool cajiib ah Eagles u dhaliyay Yohan Cabaye kaas oo si qurux badan u garaacay goolhaye Martinez oo aan helin wax fursad uu wax ku badbaadiyo waxaana caawinta goolkan caawintiisa markale sameeyay  Wilfried Zaha kaas oo Arsenal ku abuuray nooc kasta oo dhibaato ah waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Crystal Palace hogaanka ku dheeraysatay.

Haddii markii hore ay Arsenal raadinaysay isla markaana ay ku rafaaday in ay hesho goolka barbaraha markan waxay ku qasbanaatay in ay xal u raadiso sidii ay ku keensan lahayd labada gool ee ay Crystal Palace ku hormartay si ay ugu yaraan u heli karto hal dhibic balse Crystal Palace ayaaba u muuqatay mid doonaysay in ay goolal badan ku garaacdo Arsenal.

DAQIIQADII 67 AAD REKOODHE!! Xaalada Arsenal ayaa noqotay mid xun oo musiibo cusub isku badashay kadib marikii uu goolhaye Martinez uu si bilaa khibrad ah uu qalad rekoodhe keenay ugu galay Townsend inkasta oo uu sidoo kale Bellerin joogay waxayna kubbadu ka soo soctay goolka laakiin qaladkan ayaa Crystal Palace siiyay fursad dahabi ah oo ay ku keensan kartay goolka saddeexaad.

DAQIIQADII 68 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! Waxaa kubbada soo qaatay isla markaana goolka Gunners hor dhigtay  Luka Milivojević kaas oo si degan u dhamaystiray darbada rekoodhe ee kooxdiisa lagu abaal mariyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Crystal Palace ku dubanayso Arsenal!!.

Wenger ayaa badalkiisa labaad sameeyay daqiiqadii 69 aad wuxuuna ciyaarta ka saaray Theo Walcott oo si fiican loo amusiiyay intii ay ciyaartu socotay waxaana kaydka ka soo baxay Alex Oxlade-Chamberlain sidoo kale Big Sam ayaa ciyaarta ka saaray xidiga goolka labaad dhaliyay ee Yohan Cabaye wuxuuna ciyaarta soo galiyay James McArthur.

DAQIIQADII 86 AAD Monreal ayaa ceeb kale oo wayn ka badbaadiyay Arsenal kadib markii uu  Benteke ka beeniyay goolka afraad iyada oo Townsend uu kubbad halis ah soo sameeyay waxayna Crystal Palace markan isku hubsatay saddexda dhibcood ee xili ciyaareedkeeda muhiimada wayn u leh.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:0 ay Crystal Palace ku soo dubatay Arsenal waxayna kooxda Big Sam dhaawac wayn soo gaadhsiisay rajadii markii horeba yarayd ee ay Arsenal ku doonaysay in ay ugu soo baxdo Champions Leaque-ga. Arsene Wenger ayuu culayskii haystay ku sii laba jibaarmay. Arsenal ayaa hadda 7 dhibcood ka hoosaysa kaalinta afraad ee Man City ku jirto,

Comments

comments