Marcos Alonso Oo Banaanka Soo Dhigay Hadaladii Ay Kula Kaftameen Xidigaha Chelsea Ka Hor Goolkiisii Laadka Xorta Ahaa Ee Bournemouth.

Daafaca bidix ee Chelsea Marcos Alonso ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda kooxdiisa ay la kaftmeen ka hor inta uusan gool u badalin laadkii xorta ahaa ee lagu abaalmariyay kulankii ay guusha ka heleen Bournemouth todobaadkaan.

Daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta ayey Blues heshay laad xor ah oo aan goosha ka fogeyn, kaas oo ku haboonaa in badan Alonso.

26-jirkaan ayaa dhaliyay goolkiisii 5-aad ee xili ciyaareedka iyadoo qoyskiisa ay ka mid ahaayeen Jamaahiirta Blues, Alonso wuxuu ka dhawaajiyay in xidig walba uu la kaftamay ka hor inta uusan tuurin laadka xorta ah iyadoo qof walbaa uu xasuusto inuu laba jeer oo hore birta ku garaacay laad xor ah.

“haa, waxaan birta garaacay kulamadii hore laba jeer” Alonso ayaa sidaa yiri, “Marka aan kubadda qaatay qof walba wuxuu i lahaa, “Fadlan hal [Inch] hoos u dhig darbadaada”

“Waxaan ahaa mid ku faraxsan sababtoo ah wuxuu ahaa gool na siiyay inaan raaxo dareeno kulankana ka dhigay mid aan ku raaxeysano, aad bey ii farxad galineysaa taas, waxaana rajeynaa in ka badan iney iga timaado”

Comments

comments