Diego Costa Oo Si Maldahan Shidaal Ugu Shubay Dabkii Ka Shidnaa Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea, Muxuu Yiri?

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa ugu dambeyntii sii huriyay wararka la xiriinaya inuu isaga tagayo Chelsea sidoo kalana sii laba jibaaray walwalka ay Jamaahiirta ka qabaan inuu ka huleelo madama uu sheegay inuusan ku faraxsaneen nolosha magaalada.

Diego Costa oo ah asal Brazil dhalasho Spain ah qaatay ayaan jecleysan nolosha magaalada London wuxuuna ugu yaraan qof walba dareensiiyay iney tahay meel uu isaga tagi karo.

“Waan ku faraxsanahay Chelsea, maahan lagama maarmaan inaan dhaho waxaan ku faraxsanahay nolosha London, balse gabi ahaan waa wax kala duwan, ma ahan arin aan sameynayo”

Costa oo dhaliyay 17-gool kulamada horyaalka Premier League xili ciyaareedkaan ayaa ku fashilmay inuu shabaqa soo taabto shantii kulan ee ugu dambeysay kulamada kooxdiisa.

Diego wuxuu xiiso ka helay Tianjin Quanjian oo ka dhisan China, kuwaas oo u balan qaaday mushaar dhan 600,000 kun oo Pound.

“Waxaan heystaa qandaraas laba sanadood ah, waxaan ahay mid daacad ah kuwa ii dhaw mar walba, waana u sheegay inaan aad ugu faraxsanahay Chelsea” ayuu yiri xidigii hore Atletico Madrid.

Comments

comments