Ma Dhaa Inay Xukuumadda Somaliland oo luminaysa Mashruuca dhismaha wadooyinka ee hay’adda GIZ oo Lacagta ku jirtaa tahay $10,000?

Somaliland ayaa u muuqata inay luminayso mashruuc hay’adda GIZ u hayso dhismaha wadooynka, kaasoo la hadal hayo inaanay illaa hadda hay’adda wadooyinka Somaliland ka faa’iidaysan, halka saddex mashruuc oo kale oo ay hay’addaasi gacanta ku hayso qaybo ka mid ahi ka bilaabmeen.

Mashruuca hay’adda GIZ u hayso wadooyinka Somaliland ayaa lagu qiyaasaa lacag gaadhaysa Toban Milyan oo Dollar ($10,000), taasoo haddii ay hay’adda wadooyinku uga faa’iidayso dalka wax badan ka tari karta jidadka burbursan ee Dalka. Ilo wareed rasmi ah ayaa Waaheen u sheegay in mashruucan laga cabsi qabo in uu ka socon waayo masuuliyiinta Somaliland, halka hay’addaasi ay diyaar ula tahay in dhaqaalahaas wax loogu qabto Wadooyinka loo soo qoondeeyey.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee mashruucani u bilaabmi la’yahay, hase yeeshee wararka ka soo baxaya ayaa sheegaya inay baahi weyn Somaliland wakhtigan u qabto in mashruucaas wax lagaga qabto in lagu dhiso wadooyin cusub, ama kuwa hore ee burbursan.

Inta la ogyahay mashruuc kan ka balaadhnaa oo midawga Yurub ugu talo-galeen Somaliland ayaa loo wareejiyey Puntland, talaabadaas oo ka dhalatay markii ay Somaliland lumisay fursadaas, taas oo ahayd in cashar laga qaato.

Comments

comments