Waxa Maanta Abaaro 10 Subaxnimo Maxkamadda Xukuun Ku Riday Wariye Cabdilmalik Muuse Coldoon Oo ay ku xuguntay laba sano oo bila Hadal Sida Warka Ku Cad

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Dalmar oo manta guddominayey fadhigii maxkamadda ee Dacwadda Col-doon ayaa manta go’aan ka soo saaray Dacwadaasi.

Guddoomiye Dalmar waxa uu sheegay in saddexdii qoddob ee lagu soo eedeeyey mid lagu waayey, hase yeeshee laba qodob oo ka mid ah lagu helay.

Dalmar waxa uu ku dhawaaqay in xukunka labadaas qoddob oola khafiifiyey ama laga soo qaatay halka ugu hoosaysa ee ciqaabtooda uu ku mutaystay laba sano oo xadhig ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay maxkamaddu ka dhaaftay wixii ganaax lacageed ahaa ee ay lahaayeen qoddobadaasi.

 Wargane

 

Comments

comments