Somaliland: Xildhibaan Waabeeyo Oo Been Abuur Ku Tilmamaay Warqad Foojari Ah Oo Lagu Sheegay In Maayarka Hargaysa Alaabo Gaadhi U Qaaday

Date:

“Anigu Dalka Waan Ka Maqanahay Warkaas Layga Qorayna Waa Been, Maayarka Hargaysa Iyo Kuwa Magalooyinkaba Alle Iima Baahin Cidii Ka Danbaysayna Sharcigaan La Tiigsan Doona Markaan Waddanka Ku Soo Laabto”. Xildhibaan Waabeeyo

Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo) oo kamid ah Xildhibaanada ugu caansan labada Gole Baarlamaan ayaa been abuur iyo Foojari ku tilmamaay war laga baahiyay oo lagu sheegay inuu alaabo gaadhi u qoray Maayarka Caasimadda Hargaysa.

Xildhibaan Waabeeyo oo la soo xidhiidhay Wargayska Somalilandtoday isagoo ku sugan Dalka Qadar wuxuu yidhi .”Waxan doonayaa inaan halkan ka beeniyo war lagu daabacay Shabakada Internetka ee Hadhwanaag, kaas oo lagu ladhay warqad Foojari ah oo la leeyahay Maayarka Hargaysa ayaa taayiro iyo dirays baabur uu u qoray aniga, warkaasi waa been mana jirto meel uu Soltelco iyo Mayaar kale amma Xoghaye Dawlad Hoose waligay wax iigu qoray, alle-na iima baahin Alxamdullilaah. Warqada magacayga lagu qorayna waa Foojari”.

Xildhibaan Wabeeyo oo uu Wargayska Somalilandtoday waydiiyay cidda ka danbaysay arrintan been abuurka ah iyo talaabada uu ka qaadanaayo wuxuu yidhi “Horta cid Maayarka mala doonaysay inay maagto ayaa aniga Ila jiidhay, Dirayska gaadhiga la galiyana waa la yaqaana waa 30$ nin waxaas hungureeya in aanan ahayna ummaddu way ogtahay, 22 taayirna aniga Inataree Isjiida maan wadan marka dhammaan waxa meesha lagu qoray inay been cadaana tahay cid kasta way u muuqata, anigu hadda Dalka waan ka maqanahay Markaan Insha Allah ku soo noqdo maxkamad ayaan la tiigsanayaa Cidii ka danbaysay been abuurkaas.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Waabeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...