Somaliland: Ma Dhabaa Inay Xukuumadda Xabsiga Dhigtay Boqor Badmadow + Sababta

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd xabsiga dhigeen boqor badmadow oo sheegtey in uu ka mid yahay madax dhaqameedka beesha waqooyiga Hargeysa gaar ahaan in uu yahay boqorkooda Guud .

 

Ciidamada booliska ayaa waxaa ay ku soo xidheen muwaadinka xarunta danbi baadhista ee Somaliland

Boqor badmadow ayaa shalay waxaa uu warbaahinta hadalo xanaf leh u mariyey beesha bariga Burco oo uu ugu hanjabey in ay codkooda qasab ku siiyaan musharax Muuse Biixi hadii kale ay Hargeysa ka qaxi doonan .

Xadhiga Muwaadinkan ayaa waxaa lala xidhiidhinayaa in uu ka danbeyey hadaladaas shalay afkiisa ka soo yeedhay ee kala fogeynaaya bulshada ku wada nool Somaliland .

Comments

comments