Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay ugu dambeyntii in Sadio Mane uu seegi doono inta ka harsan xilli ciyaareedka kadib markii raajadii la saaray ay sheegtay inuu xidigaan qaliin u baahan yahay.
Weeraryahanka reer Senegal ayaa laga saaray kulankii ay kooxdiisa 3-1 kaga adkaatay Everton ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League markaas oo ay inyar is gaaree daafaca bidix ee Toffees Laighton Baines qeybtii dambe ciyaarta.
Si kastaba, Jurgen Klopp ayaa iclaamiyay in Sadio Mane oo 13-gool iyo 5-caawinaad ah sameeyay kulamadiisa Premier League uusan ka qeyb noqon doonin dagaalka ay ugu jiraan iney xagaaga dambe kasoo qeyb galaan Champions League.
“Sadio wuu maqnaan doonaa, waxaan hubaa inuu qaliin u baahan yahay” Ayuu Klopp u sheegay warbaahinta isagoo ku jira shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Stoke City, “100% ma hubno waxa dhici doona, balse wey cadahay inuu dhamaaday xilli ciyaareedkiisa” Ayuu mar kale yiri macalinkii hore Dortmund.
“Taasina waa waxa aan rajeynayay caqli ahaan marka aan arkay muuqaalka ciyaarta kadib, waxaan ku fakaray inuu nasiib ku lahaa xaalada uu ku jiro hadii aysan wax badan ku dhicin, balse hadda waxaan ku dhawnahay inaan dhameno xilli ciyaareedka taasna waxey la micno tahay ineysan in badan suuragal aheyn, wuxuu ciyaari doonaa xili ciyaareedka soo aadan”
“Balse wuxuu heli doonaa fasax dheer si u diyaar ugu noqdo xili ciyaareedka dambe, warka wanaagsan ayaa ah inuu xili ciyaareedka dambe diyaar yahay”