Inuu Joogi Doono Sanchez, Dhaawaca Ciyaartoyda, Qaabka Ozil & Wax Walb Oo Uu Arsene Wenger Kaga Hadlay

Arsenal ayaa ciyaari doonta habeenka isniinta kulan ka tirsan horyaalka Premier League markaas oo ay u martin doonto Crystal Palace oo la ogaa iney Stamford Bridge kusoo qaarijisay Chelsea, balse qof walba ma ilowsana iney guuldaro kala kulantay Southampton.

Arsene Wenger ayaa saxaafadda hor yimid goor dhaw isagoo ka saxaafadda uga jawaabay su’aalaha la xiriira shirarka jaraa’id ee la qabto ka hor kulan walba.

“Marka la eego ciyaartoydii arbacadii ciyaarta, ma jiri doono mid naga maqnaan doona, Coquelin ayaa diyaar ah, dhibaato yar ayuu ka qabaa dhabarka, ma aaminsani in Cech uu diyaar noqon doono habeenka isniinta, sidoo kale Ospina. Koscielny? Isniinta wuu maqan yahay” Ayuu yiri Arsene oo ka hadlayay dhaawacyada ay qabaan wiilashiisa ka hor kulanka Palace.

“Waxaa nahay koox midow ah oo si wadajir ah u dagaalama, inaa sii wadno awoodeena iyo tayada kooxdena waa mid aad u wanaagsan, baaskeena inyar wuu wanagansaa, wadajirkeena wuu wacnaa, halka isku dheeli tirneeka uu aad u fiicnaa” ayuu yiri mar kale Wenger isasgoo ka hadlayay sida uu ugu faraxsan yahay kulankii Arbacadii.

Macalinka reer France ayaa la weydiiyay sida uu u arko booska ay hadda kooxdiisa joogto, wuxuuna ku jawaabay: “waxaan joognaa boos aanan raaxo ku dareemeynin, waa meel anan dooneyn inaan ahaano, waan ognahay wax aan u baahanahay inaan sameyno, waan hakanay isbuucyadii laso dhaafay, balse waxa muhiimka ah waa inaan horay u dhaqaqno”

Dhawr su’aalood ayey saxaafadda si xiriir ah u weydiiyeen Arsene isna wuxuu uga jawaabay sida ugu dhaqsiyaha badan waana arimo la xiriira mustabalkiisa.

Yaa Ku Dhawaaqi Doona  Magacaabistaada?

Arsene: Kooxda

Ma Waxaa Jira Shuruudo?

Arsene: Maya, waxba kuma dari karo intaaa

Ma Waxaad Dajineysaa qorshaha pre-Season-ka?

Arsene: Dabcan, shaqadeyda waa inaan qorsheeyo mustaqbalka.

Miyey ku dhawaaqista imaaneysaa ka hor dhamaadka xili ciyaareedka?

“Ma garan karo”

Ugu dambeyntiina Arsene Wenger ayaa is raacsaday arimaha Sanchez, qaab ciyaareedka jahawarerka galay ee Ozil kadib dhibaaatadii UCL iyo dibad baxyada Jamaahiirta.

“Wuxuu doonayaa inuu sii joogo kooxda, ciyaartoyda marka hore waa inaad aragto iney ku faraxsan yahiin kooxda, kadib ayey helaan heshiis”

“Ozil waa ciyaariyahan hami weyn leh, wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto UCl. wuxuuna ku taxadaraa in badan sida ay dadka ku fakaryaaan inuu sameeyo”

“Bartilmaameedkeyga waa inaan ilaaliyo farxadda Jamaahiirta, waana waxa aan mar walba isku dayo inaan sameeyo”

Comments

comments