La Liga Oo Horjoogsan Karta Heshiiskii Uu Antoine Griezmann Ugu Wareegay Barcelona – Maxaa Soo Kordhay?

Date:

La Liga Oo Horjoogsan Karta Heshiiskii Uu Antoine Griezmann Ugu Wareegay Barcelona – Maxaa Soo Kordhay?

La Liga ayaa baaritaan ku sameyneysa heshiiskii uu Antoine Griezmann ugu wareegay Barcelona ka dib markii Atletico Madrid ay dalbatay in la hor istaago heshiiska.

Weeraryahanka Faransiiska ayaa ka tagay Atletico horaantii bishaan markii ay Barcelona bixisay 120 milyan euro oo lagu burburinayay qandaraaskiisa kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Laakiin Atletico ayaan ku faraxsaneyn lacagtaas sababtoo ah waxay ku eedeynayaan in Barcelona ay heshiis la gaartay Griezmann bishii March ee sannadkan markaasoo lacagta lagu burburin karay qandaraaska ciyaaryahanka ay aheyd 200 milyan euro.

Ismari waagaan ayaa waxa uu dhibaato ku yahay La Liga iyadoo madaxweynaha La Liga Javier Tebas uu xaqiijiyay in cabasho rasmi ah oo laga soo gudbiyay Barcelona ay soo gaartay maanta.

“Waxaa leenahay awood aan ku horjoogsan karno leysanka ciyaaryahanka.”

Tebas ayaa sheegay inuusan isagu shaqsi ahaan waxba ka dhihi karin arintaan, isagoo tilmaamay inay jiri doonaan guddi baara.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaa jira guddi loo xilsaaray iyaga ayaana xalin doona xaaladaan.

“Waxba kama dhihi karo.”

Griezmann ayaa ku biiray Los Rojiblancos sannadii 2014 ka dib markii uu ka soo baxay Real Sociedad, waxaana uu dhawaan xaqiijiyay inuu iska diiday Manchester United ka hor inta uusan dooranin kooxda heysata horyaalka La Liga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...