Somaliland: Beesha Uu Ka Soo Jeedo Maxamed Kaahin Oo Sheegtay In Guddoomiye Kuxigeenka KULMIYE Laga Door Biday

“Xisbiga KULMIYE Wuu Tashaday Anaguna Waxaanu Go’aansanay Inaanu Tashano” QaarKa Mid Ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Xisbiga KULMIYE Ka Soo Baxay

Waxgaradka ,cuqaasha , xildhibaanada dhallinyarada iyo aqoonyahanka Reer Bali-Dhiig ee gobolka Togdheer ayaa sheegay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE.

Xildhibaanada golaha degaanka degmada burco ee kasoo jeeda degmada bali-dhiig ayaa sharaxay sababta ay uga baxeen Xisbiga, waxaana ay is casilaadooda ku sababeeyeen inuu xisbiga KULMIYE ka tashaday deegaanka Balidhiig iyo cidii ka soo jeedaba.

Xildhibaan Cabdirisaaq Aar oo ka mid ah xildhibaanadaas shalay is casilay ayaa waxa uu yidhi:

“ Xisbiga Kulmiye wuu tashaday , wuxuu cadeeyey in aanu cidna talo uga baahnayn , hadii kulmiye aniguna waxaan go’aansanay in aan tashano , laga bilaabo maanta waxaan joojinay la shaqayntii Xisbiga Kulmiye iyo Xukumaddaba , talo balaadhan insha alla waanu ka yeelan doona “

Xildhibaan Maxamed Tuurtuur ayaa isna cod adag ku sheeagy in guud ahaan beesha Bariga burco iyo degmada bali-dhiig ay ka huleelen Xisbiga Kulmiye waxaana uu yidhi “ Siyaasadu waxaay ka bilaabmataa heer degmo ilaa heer qaran , anaga lanoo doortay heer degmo indhaha lanaka qarsaday , marka arrintu halkaa gaadhay maanta waxaan go’aansanay anaga oo Xildhibaanadii ah , dhalinayaradii iyo aqoon yahankiiba oo aan isku raacsanahay in aan si toos uga tagno “

Xukumadda Somaliland ayaa lagu dhaliilay inay talada dalka ay ka dhegaysato Wasiirka Madaxtooyada Iyo wiilka uu sodoga u yahay Madaxweyne Silaanyo , Xildhibaan Maxamed Tuurtuur ayaa cadeeyey in xukumaddu wax ka maqasho laba qof oo keliya

“ Xukumadda Maanta jirtaa waxa ay samaysatay laba qof oo ay wax ka maqasho dadkaygii doortay ee juhdiga geliyey waxba waa la waydin waayey “

Inkastoo aanay xildhibaanada iyo odayaashani si rasmi ah u qeexin xaqiiqada dhabta ah ee ka dambaysa inay ka dareeran xisbiga KULMIYE, hadana waxa la fahansan yahay inay waxgaradka deegaanku u fahmeen inuu Muuse Biixi kala doortay Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi.

Comments

comments