Somalia: Sherkada DP World Oo La Wareegaysa Dekeda Magaalada Boosaaso Iyo Cabdiwali Gaas Oo Saxeexaya Heshiiska

Date:

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale u safraya dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, si uu u dar dar geliyo dhameystirka heshiiska dhismaha iyo ballaarinta Dekeda Boosaaso qorshaha la doonayo in Dekeda loogu wareejiyo Shirkadda DP World.

Cabdiwali Gaas ayaa lagu wadaa in maanta oo salaasa ah u safro magaalada Abu Dhabi, halkaasoo ay ku sugan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Dekedaha.

Wafdigan ayaa u joogay magaalada Abu Dhabi arrimaha heshiiskan iyo sidii la isugu afgaran lahaa, waxaana la sheegayaa in inta badan qodobada la isku afgartay.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa lagu wadaa inuu goob joog ka noqdo saxiixa heshiiska Dekeda Boosaaso oo si rasmi ah qalinka ugu duugi doonaan isaga iyo Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saxiixa heshiiskan uu dib u dhacay bishii la soo dhaafay sababo aan la shaacin awgeed, hase ahaatee Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa laga soo xigtay in arrimo yar oo taagnaa oo aan la isku afgaran ay sababtay inuu dib u dhaxo saxiixaas.

Haddii heshiiskani hirgalo sherkadda DP Wolrd ayaa sannad wax ka yar dekeddii labaad ka kiraysanaysa dalalka geeska Africa, gaar ahaan Somaliland iyo Somalia.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...