Somaliland: Xildhibaan Kijandhe Muxu Ka Yidhi Loolankii Muuse Iyo Isaga Soo Dhex Maray

“Waxan is idhi ninka isaga oo soddon jir ah oo madax ah oo maraykan waxbarasho ugu yimi inta uu madaxnimadiisii ka tegay Somaliland halkaas u galay iyo ninka liinta ku cabayey Moscow isku mid aha,”xildh. Kinaandhe

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo katirsan mudaneyaasha aqalka wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa sharraxay hannaankii uu u maray kala xulashada murrashixiinta madaxweyne ee xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi, waxana uu shaaciyey inay adag tahay in is-barbar dhig lagu sameeyo labadaas hoggaamiye.

Xildhibaan Kijaandhe oo shalay ka hadlay munaasibad uu xisbiga KULMIYE ku qabsaday Hargeysa, ayaa ku dheeraaday doorkii halgan iyo kii naf-hurnimo ee uu guddoomiye Muuse Biixi dalka lasoo maray, waxana uu barbardhigay marxalladdii uu guddoomiyaha WADDANI ku sugnaa xilligaas qadhaadh ee xoraynta dalka loo halgamayey, “Waxan Is barbardhigay guddoomiyahayga wakiillada iyo Muuse Biixi Cabdi kii aan taageeri lahaa, waxana ay ila noqotay inaan Muuse taageero, waayo waxan idhi Muuse isaga oo soddon jir ah oo madax ah oo maraykan waxbarasho ugu yimi inta uu madaxnimadiisii ka tegay Somaliland halkaas u galay iyo ninka liinta ku cabayey Moscow isku mid aha,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe.

Xildhibaan Kijaandhe oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in guddoomiye Muuse Biixi ay hawl badani dalka ka gashay, taasina sabab u tahay inuu madaxnimadiisa taageero, waxana uu yidhi, “Hawl badan iyo xoog badan ayaa Muuse kaga jira Muuse Biixi, waana sababta aynu ku taageeraynaana waa taas oo weynu dhisaynaa.”

Comments

comments