Somaliland: Xildhibaan Maxamed M. Cumar Xaashi Iyo Ismaaciil Yare Oo Calaamad Aakhiro-samaan Ku Tilmaamay Suldaanka Subeer Awal

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi iyo Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee xisbiga KULMIYE ka midka ah, ayaa aad u dhaliilay Suldaanka guud ee beelaha Subeer AWAL, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo dhawaan taageeray go’aan beesha Sacad Muuse khilaaf ka dhex abuuray, kaasi oo uu ku sheegay in Guddida horumarinta beeshu ay Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga KULMIYE u xusheen Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Maxamed iyo Ismaaciil Yare, oo shalay ka hadlayey Munaasibad ballaadhan oo dhowr kun oo qof ay taageero ugu muujinayeen Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda Somaliland, ayaa sheegay inay ka xun yihiin Suldaanka guud uu hoos ugu soo noqdo beesha uu ka dhashay ee Sacad Muuse, isaga oo bay yidhaahdeen ah Suldaanka Subeer AWAL.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, oo ugu horeyn ka hadlaya arrimahaasina waxa uu yidhi “Ninka leh Suldaan guud baan ahay ee ka hadlaya siyaasad iyo hebel baan taageeray, aakhiro sabaanka ayay ka mid tahay, waayo weli maynaan arag. Walaalayaal intaasi oo dhan waxaynu doonaynay inaynu wax gaadhno oo Somalilandna wax noqoto, laakiin kuwa waxaasi ka soo horjeeda waxaanu ILAAHAY ka baryeynaa inuu innaga joojiyo, innagana uu ILAAHAY innaga aqbalo gurmadkaa aynu maanta nahay oo aynu muwaafadeennii ku noqono…”

Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare), ayaa isaguna sheegay “Suldaanka guud waxaan leeyahay waxaad tahay Suldaanka guud ee Subeer Awal, laakiin ma tihid Suldaanka Sacad, ma tihid Suldaanka Xuseen Abokor, ma tihid Suldaanka Cabdalle Siciid, lagaagama baahna inaad tidhaahdo waxaan kala saaray Sacad Muuse, waar Habar Awal ayaad ahayde, Jamaal Cali Xuseen miyaanu Habar Awal ahayn oo aanu Musharax ka ahayn xisbiga UCID, halkeed kaga tagtey Jamaal, miyaanay ahayn beel dhan oo aad deedafaysay markaad leedahay annagu hebel iyo hebel ayaanu kala dooranay, oo hebel baanu musharax u dooranay”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Suldaanku maaha kii maanta sidaa odhan lahaa ee waa kii ta guud ilaalin lahaa, laakiin Suldaanku waa inan yaroo waa markii afraad ee uu cumaadadda Saldanadda tuurey, cumaamaddu way ka dhacday ee dib u saara ayaan leeyahay…. “

Comments

comments