Somaliland: Wasiirka Madaxtooyada Oo Imika Xil Cusub Magcaabay Oo Afhayeenki Lagu Kharijiyey

Date:

Madaxtooyada Somaliland ayaa talaabo deg deg ah ka qaaday afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Dayr ka dib markii uu ku guul daraystey in uu hagaajiyo xidhiidhka ka dhaxeeya Madaxtooada iyo Warbaahinta Madaxa Banaan ee Somaliland.

Xidhiidhkaasi oo aad u xumaaday tan iyo intii uu dib ugu soo laabtey Xuseen Aadan Cige Dayr xilka Afhayeen Madaxtooyada oo uu hore uga dalacay iyada oo wada shaqayn la’aanta warbaahinta iyo Madaxtooyadu gaadhay in gabi ahaanba la joojiyo Warkii dhawaan markii madaxwaynaha Somaliland ku soo laabtey Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Madaxtooyada ayaana taas bedelkeeda si loo hagaajiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Madaxtooyada iyo warbaahinta waxa uu magacaabey xilka Agaasimaha Waaxda warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland xilkaasi oo uu u magacaabey Naasir  Yuusuf Daahir oo hore u ahaa xogahaya xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

talaabadan ay Madaxtooyadu qaaday ayaa ah mid awooda lagaga dhimey Xuseen Aadan inkasta oo aan xilka laga qaadin hadana waxa la khafiifiyey miisaankii uu lahaa afhayeenka madaxtooyadu.

Agaasimaha Waaxda madaxtooyada ee la magaacabey ayaa aqoon u leh arimaha warbaahinta isaga oo mudo dheer ka shaqaynaayay xafiiska afhayeenka.

Waxaana la filayaa in si deg deg ah uu wax uga bedeli doono xidhiidhka aan wanaagsanayn ee haatan ka dhaxeeya Madaxtooyada iyo warbaahinta Madaxa Banaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...