Somaliland: Guddoomiye Cirro Muxu Ka Yidhi Doorashooyinka Jsl Balsa Muxu Ka Yidhi Komishanka Doo,,

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ganafka ku dhuftay guddi musdambeed ah oo dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland sheegay in uu u sameynaayo Komishanka Doorashooyinka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in guddidaasi ay tahay guddi u xil saaran isla mar ahaantaana xaq u leh cayimidda wakhtiga Doorashada iyo qabashaddeeda ba isla mar ahaantaana aan loo baahneyn in loo sameeyo guddi musdambeed ah.

  • “Komishanka Doorashooyinku Iyagaa Xaq U Leh Cayimidda Wakhtiga Doorashada Iyo Qabashadeeda Ba, Waana Guddi Aan U Baahnayn Musdambeed.” Sidaasi waxa yidhi Gudoomiye Ciro

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu goor-dhaweyd magaalada Viena ee dalka Asturia uu ugu jeedinaayey jaaliyadda Somaliland oo mucaarad iyo muxaafad ba ku qaabilay caleemo qoyan, waxaana uu sida oo kale xusay in komishanka doorashooyinka laga daayo carqladeynta.

Comments

comments