Somaliland: Muxu Ka Yidhi Maxamuud Xaashi Loolankii Xisbiga Kulmiye Balse Muxu Ka Yidhi Maxamed Kaahin?

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxa si wayn u soo baxay warar sheegaya in khilaf xoogan uu ka dhex jiro xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye kaasi oo salka ku haya cida qaban doonta gudoomiyaha xisbigaasi wixii ka dambeeya Muuse Biixi Dabadii.

Xaflad aad u balaadhan oo maanta lagu qabtey Huteel Green Plazza ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa goobtaasi ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,

Kuwaasi oo labadoodub si cad u sheegay in aanu jirin tartan ka dhaxeeya labadooda oo khuseeya qabashada xilka Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Isla markaana ay labadooduba u hawla yihiin sidii ay qayb xisbiga Kulmiye u gaadhsiin lahaayeen in uu mar labaad hanto xilka Gajada Madaxwaynenimo ee dalka.

Comments

comments