Ma Dhabaa Inu Arsene Wenger Oo Is Casilay Warbaahinta Reer Galbeedka Ku Jahawreeriyeen Kubadda Cagta.

Jahawreer baahsan ayaa maanta ka jira kubadda cagta waxaana isku wareersan warbaahinta reer galbeedka iyo taageerayaasha kubadda cagta madama ay maanta tahay maalin ay dadka reer galbeedka ku sheegaan [Maalinta Beenta Aduunka].

Maanta oo kale waa arin ka hirgashay dunida taasoo inta badan ay dhacaan waxyaabo maad ah oo aduunkoo dhan looga yaabsado, markaanna kubadda cagta iyo waxyaabahii saakay looga yaabsaday taageerayaasha ayaan idin soo gudbineynaa inkastoo dadka qaar ay rumeysteen.

ARSENE WENGER OO IS CASILAY:

Wargeyska Express ayaa baahiyay in tababare Arsene Wenger uu iska casilay xilka tababaranimo ee kooxda Gunners kadib markii ay isku dhaceen qaar ka mid ah ciyaartoydiisa, waxey aheyd arrintii ugu farxadda badneyd oo ay maqleen maanta Jamaahiirta Gunners, balse waxey tani kusoo aadeysaa xilli macalinka reer France uu ku adkeysanayo inuu saxiixo heshiis cusub.

ROONEY OO KU BIIRAY WWE:

Shabakadda Caalamiga ah ee Goal ayaa maanta qortay in Wayne Rooney uu xaqiijiyay inuu ku biirayo ciyaarta musaaricada WWE isagoo isaga tagi doona xagaagan kooxda ka dhisan Old Trafford. sida warbixinta been abuurka maadda ah lagu sheegay wuxuu berito oo axad ah bilaabi doonaa inuu ciyaaro iyadoo maanta uu ka qeyb gali doono kulanka West Brom.


Labadaan war ayaa ahaa labada war ee ugu saameynta badan dhanka kubadda cagta inakstoo ay jiri karaan in taageerayaasha qudhooda ay waxyaabo sidaan oo kale ah kaga maadsan karaan saaxiibadooda kale ee kubadda cagta.

Comments

comments