Lukaku → Chelsea, Keane → United, James → Liverpool & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Chelsea ayaa diirada saari doonta qorshahooda suuqa kala iibsiga xagaagan ee ku aadan xidigaha Alexis Sanchez oo 28-jir ah iyo Romelu Lukaku oo 23-jir ah. (Daily Telegraph) 

Sidoo kale kooxda ka dhisan Stamford Bridge waxey dooneysaa iney dib ula soo saxiixato daafaceedii hore dhanka bidix Ryan Bertrand kaas oo ka tirsan Southmapton iyo sidoo kale daafaca dhexe ee kooxdaas Virgil van Dijk. (Evening Standard).

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa kuu eedeynaya Real Madrid iney isku dayeyso ineysan sal u yeelin xaaladda 26-jirkiisa khadka dhexe weerarka ka ciyaara Eden Hazard. (Independent).

Manchester United ayaa xiiseyneysa iney dib ula soo saxiixato Michael Keane, balse Burnley xidigaan waxey kaliya ku iibin kartaa 25 Malyan oo Pound. waana 10 in ka badan lacagahii ay kasoo bixiyeen 2015. (Mail).

Paris Saint Germain ayaa ogsoon in tababare Arsene Wenger uu noqon doono macalinkooda xiga hadii tababaraha reer France uu ka tagayo Gunners. (Daily Star).

West Ham United ayaa aad u xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Arsenal Lucas Perez iyadoo diyaar u ah iney dhiibto lacagahii ay Gunners kasoo bixisay xagaagii hore. (Mirror).

Bayern Munich ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato xidiga khadka dhexe Bayer Leverkusen Julian Brandt iyadoo diyaar u ah iney bixiso 30 Malyan oo Euro. (Bild)

Chelsea ayaa biyo qabow ku shubtay wararka la xiriirinaya xagaagan weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata, waxeyna u weecdeen Sanchez iyo Lukaku. (Telegraph).

Manchester United ayaa wadahadalo hordhac ah la yeelaneysa weeraryahanka Napoli Dries Mertens iyadoo dooneysa iney hesho dhamaadka xagaagan. (Mediaset)

Liverpool ayaan markaan badashay hanaankooda suuqa waxeyna si wadajir ah Real Madrid kaga doonayaan James Rodriguez iyo Marco Asensio. (The Sun).

Comments

comments