Somaliland: Kaftankii Xajiinta Lahaa Ee Dad Badan Ka Cadhaysiiyey Iyo Musharraxa Madaxweyne Xigeen ee Xisbiga WADDANI

Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cali Cabdi ayay ka soo jeedeen weedho ka cadhaysiiyay Aqlabiyada Dadka ku dhaqan Deegaanka Gobolka Maroodi jeex ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa,Waxa uu wax ka sheegay nasabiyad ahaan dadkaasi qiimaha ay leeyihiin isagoo soo xigtay Alle ha unaxariistee Hooyaddii isaga dhashay oo ka soo jeeday Gobolka Saaxil ee Berbera oo uu sheegay inuu kalmadahaasi dhaxal ahaan uga guntay Hooyaddii oo geeriyootay,Waxa uu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay Dardaarankaasi uu hooyaddii ka dhaxlay,taasi oo saamayn xun ku keeni karta Siyaasad ahaan Xisbiga uu ka tirsan ee WADDANI Marka loo eego Dadka ay weedhahaasi taabteen oo ah bulsho aad u balaadhan.
Musharax ku xigeenka Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cali Cabdi ayaa weedhahan ka jeediyay kulan gaar ah oo ay isaga iyo Gudoomiye Cirro London kula qaateen qaar ka tirsan Qurbajoogta Reer Saaxil ee Ingiriiska ku dhaqan,waxan hadaladii uu kulankaasi ka jeediyay ka mid ahaa “Gudoomiye Cirro Isagoo reer Saaxil ah ayaanu is baranay,Caawa inay Reer Saaxil Cawdaan oo ay Gudoomiyaha Su’aalo caynkaas ah waydiiyaan,horta ma filayn oo xagaad ku kala maqnaydeen ayaan iswaydiinayay,Waaban doorateen oo Baarlamaanka idinkaa keenaye,inaad ku faraxdaan uunbayd ahayde oo aad gacan qabataan hadii uu yidhi Musharax ayaan ahay,laakiin..,Markaa nasiib ayaad leedihiin,Waxaanu jecelnahay in Xisbigu guulaysto,Markaana Madaxweyne Reer Saaxil ah ayaad haysataane,markaad waxaad ka waydaan waxaan umalayn inaydaan cid kale ka heli doonin”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Aniga Qudhaydu idinkama fogi oo Hooyaddii ayaa Alle ha unaxariistee waxa ay odhan jirtay “HABAR AWAL,HOOYO, CIISE MUUSE KA QAADO”,markaa Gobonimadii hooyadii idinku sheegi jirtay horta ha la idinka arko,Musharax idinla dhashay oo reer Saaxil ah oo aad shalay soo saartee,hadaad cidlo dhigtaan oo Tolaayeeydu idin yar qaado,Taasi waa nasiib daro,Waxaan rajaynaynaa Codka ayaa inoo balan ah horta wixii aad tabanaysaana waad iska helaysaan oo waayi maysaan”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.
Musharax ku Xigeenka WADDANI Maxamed Cali Cabdi ayaa u muuqday mid isku dayay inuu kasbado quluubta Bulshadii koobnayd ee ay isaga iyo Cirro kula kulmeen Qol Ingiriiska kuyaala balse waxa uu hadalkiisaasi Buuq ka dhaliyay Hargeysa islamarkaana waxa uu Xisbiga uu ka tirsan yahay ka lumin karaa boqolaalkun oo qof oo laga rabay inuu Xisbigu codkooda ku loolamo. Waxa muuqaalka hadalkiisa lasoo galiyay Baraha Bulshadu ku xidhiidho waxaanu bulshada ka dhex abuuray Dood culus oo iskugu biyo shubatay inaanu hadalkaasi siyaasad ahaan bislayn ee uu ka leexday,loona baahan yahay inuu Xisbigu ka hawlgalo inuu nabarkaasi dhayo.

Comments

comments