Somaliland: Wada Hadalkii U Socday Dawlada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Oo maanta La Filayo In Uu Soo Xidhmo Iyo Nuxurka Qodobadda

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in maanta la filayo in uu si rasmi ah usoo xidhmo wada hadalkii mudada Afarta cisho ah uga socday dalka Jabuuti dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.
Wada hadalkan oo ay labada dhinacba ay goob joog uga ahaayeen xubno matalayey ayaa waxa la sheegay in maanta uu soo xidhmayo wada hadalkaasi,kaas oo la filayo in ay kasoo baxaan qodobo ka duwan kuwii hore uga soo baxay wada hadalkii dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ugu soo dhamaaday Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.
Sidoo kalena xogaha ayaa waxay noo sheegeen in ururinta iyo lafa gurida qodobadan kasoo baxay wada hadalkan ay labada dhinac u saaraan guddi farsamo kuwaas oo dib u habayn ku samaynaya qodobadaasi,waxaana la filayaa in labada dhinac ay si wada jira ugu dhawaaqaan nuxurka qodobada kasoo baxa wada hadalkaasi muddada Afarta Cisho ah dalka Jabuuti uga socday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.
Gabagabadiina bulshada Somaliland ayaa iyagu aad ugu dhag taagaya natiijada iyo qodobada kasoo baxa wada hadalkaasi iyada oo la filayo inay qodobadan ka duwanaan doonaan kuwii hore.

Comments

comments