Somaliland: Badhasaab Ku Haftay Gobolkii Uu Masuulka Ka Ahaa Oo Wakhtigiisa Ugu Badan Ku Qaata Jidka Boorama Iyo Hargeysa Iyo Oo Hadalo Aan Laa’iq Ahayna Kula Dul Kufay Reer Awdal

Date:

Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Ciise Aadan (Shiine) ayaa ka hadlay Mudaharaad la sheegay in laga abaabulayo Qaar ka mid ah Gobolada dalka kaasi oo lagaga soo horjeedo Xaaladaha dalka galay,waxa uu kalmado aan laaqi ahayn u adeegsaday Shacabka Somaliland gaar ahaan Dadka ku dhaqan Gobolka Awdal oo uu ku tilmaamay dad aan u bislayn qaabka mudaharaad nabadgalyo ah loo sameeyo,Waxa uu isticmaalay kalmado suuqdi ah oo aan ku haboonayn inuu masuul xil hayaa adeegsado,Waxaanu sheegay inaanay Shacabka Somaliland ahayn dad Maskax ahaan dhisan,hadalkaasi oo u eg inuu isku dayay inuu Caqliga dadka Wax ka sheego,islamarkaana muujinaya sida aanu isaga laftiisu ugu bislayn Xilka culus ee uu Madaxweynuhu u egmaday,iyadoo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay inuu masuulkani inta badan ka maqan yahay Xafiiskiisa oo uu wakhtigiisa ugu badan ku qaato Jidka isku xidha Hargeysa iyo Borama waxaanu caan ku yahay oo laga bartay barta uu facebookgiisa ku leeyahay oo uu soo dhiga isagoo laamaydaasi kolba dhinaca u raacaya oo safar kujira oo aan xafiiskiisa joogin.
Mustafe Shiine oo ka mid ah Masuuliyiinta aan waayo aragnimada badan lahayn ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku taxay xilalka ka culus ayaa Waxa intii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay la magacaabay saddex jeer,isagoo aan marnaba ka bixin xayndaabka Badhasaabnimada,Waxa uu hadda joogaa Gobolka Awdal,Waxaanu inta badan ku sugan yahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Shalay oo ay Warbaahinta wax ka waydiisay Mudaharaado la sheegay in laga abaabulayo Gudaha dalka,iyo sida uu ugu diyaarsan yahay Hadiiba ay Gobolka Awdal ka bilaamaan Mudaharaado xidhiidh la leh kuwii ka dhacay wadamada Reer Yurub ee ay ka dhigeen Qurbajoogta reer Somaliland ee Qurbaha ku dhaqani,ayaa waxa uu u hadlay qaab ka baxsan anshaxa Masuuliyadeed,Waxaanu wax ka sheegay caqliga iyo Garaadka Shacabka reer Somaliland,iyadoo hadalkaasi si gaar ah u taabanayay Reer Awdal maadaama oo uu yahay Badhasaabkoodii,Waxa uu sheegay inaanay dadka reer Somaliland ahayn dad Maskax ahaan dhisan oo burbursan,Kalmadahaasi oo u muuqday kuwo uu cid gaar ah ku maalayay ayaa ka leexday islamarkaana u horseedi kara inuu caqabad kala kulmo.
Hadaladii uu Warbaahinta la hor yimid Mustafe Shiine ee “Anagu Ma Aqbalayno Mudaharaad Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka soo horjeeda in lasameeyo iyo Danaha reer Somaliland, Maanta waad ogtahay oo dadkeenu ma bisla,dadkeena inta latobabarayo oo ay Biritikaal Majuur Noqonayaan,ee aynu dhismayno Maskax ahaan,oo aanay garanayn Dawlada ku mudaharaado oo calan soo qaata oo laamayada Socda idinkoon cidna rabshaynayn,Waar Madaxa Soo xiirta oo meel fadhiista illa inta aynu aqoontaasi iyo garashadaasi aynu gaadhayno,horta dee Mudaharaad lamaba aqbali karo nooc uu yahayba,kana waabu ka sii xagjiraa oo qarankii Somaliland ayuu halis ku yahay oo danihii Somaliland ayuu ka soo horjeedaa oo marnaba ma aqbalayo anigu,intaan Gobolka Joogo Anigu”.
Shacabka Reer Awdal ayaa dareen saluugleh ka qaba Badhasaabnimada Mustafe Shiine intii uu joogay,waxaanay u arkaa masuulkii ugu horeeyay ee aan Xilkaasi qaadi Karin ee la keeno Gobolkaasi ee ku soo lugo’ay. Cabdiraxmaan Siciid Oo ka mid ah Dhalinyarada Ku sugan Magaaladda Boorama oo Foore wax ka waydiiyay ayaa sheegay in Mustafe Shiine inta badan kaga soo Maqan yahay Magaalada Hargeysa iyo marar uu intii uu joogay u baxay fasax dibadeed oo uu la soo qaatay ubadkiisa oo ku nool qurbaha. Waxa Xilka Badhasaabnimada Gobolkaasi uga horeeyey Ramaax oo hadda jooga Gobol Togdheer. Badhasaab Ramaax ayay reer Boorama u yaqaaneen magaalo Guuraysa oo intii uu joogay Wax badan lawadaagay,isna baray Shacabka reer Awdal yar iyo weyn,Lana qaatay Wakhti adag oo Gobolkaasi soo maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...