Somaliland: Ma Dhabaa Inay Silanyo Iyo Saylici isku khilaafay Safarka Imaaaraadka?

Date:

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inay xaalay kulan qasriga madaxtooyadda ku wada yeesheen ku-xigeenkiisa C/raxmaan Saylici, kaasoo ujeedadiisu ahayd cabashooyin is-biirsaday oo uu Saylici hor dhigay Madaxweynaha.

Cabashooyinka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka dhashay kadib markii Madaxweyne Siilaanyo ku war-galiyey in uu Saylici hogaamiyo wefti wasiiro ah oo ay xukuumaddu u dirayso maalmahan soo socda Dalka Imaaraat-ka, kuwaas oo kala soo xaajoon doona Heshiiska Saldhiga Milatari ee madaarka Berbera ay Imaaraat-ku ka samaysan doonaan.

Hase yeeshee waxa uu warku sheegay in Madaxweyne ku-xigeenku diiday markii hore in uu weftigaas kaxeeyo, waxaanu taas bedelkeeda Madaxweynaha u gudbiyey cabashooyin farabadan oo uu in badan ururinayey, kuwaas oo uu madaxweynaha ku hor qufay, isagoo sheegay inaan Talooyinka kale ee dalkaba laga qayb-galin sidaas daraadeed aanu weftiga kaxaynayn.

Dood iyo falanqayn dheer oo ay labada Hogaamiye muddo isku tuur-tuurayeen kadib waxa ilo wareedka warkan aanu ka helnay sheegay in markii danbe lagu qanciyey safarkaas, taasoo uu isna markii danbe aqbalay.

Weftigan waxaa isna ka hadhay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Sacad Cali Shire, kaasoo isna la sheegay in uu safar dhinaca Dalka Itoobiya ah u kicitimi doono labada maalmood ee soo socda, iyadoo uu safarkaas raaci doono Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda Mixile Boqore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...