Qaar Ka Mid Ah Ciyaartoyda Barcelona Oo Marco Verratti U Sheegay Iney Hareen Ka Hor Sadexda Gool

Kubad sameeyaha tayada wanaagsan ee Paris Saint Germain kaas oo ilaa iyo haatan la naxsan wixii ku qabsaday Camp Nou ayaa ka dhawaajiyay in qaar ka mid ah ciyaartoyda Barcelona ay u sheegeen iney iska hareen isla markaana ay nasiib wacan u rajeynayaan ka hor inta aysan soo rogaal celin daqiiqadahii ugu dambeeyay.

Paris Saint Germain ayaa timid Camp Nou iyadoo hogaanka ku heysa 4-0, madama ay kulankii hore ee gurigeeda soo adkaadeen, balse waxey ka laabteen magaalada Barcelona iyagoo madaxooda hoos yahay.

Waxey aheyd sida ruwaayad jaceyl ah markii Edinson Cavani uu dhaliyay daqiiqadii 62-aad gool wadnaha tiray qof walba oo Catalonia ah, xitaa ciyaartoyda Barcelona ayaa Verratti u sheegay iney hareen isla markaana waxey u rajeeyeen nasiib wacan.

“Kadib goolkii Cavani, waxaan helnay nabad” ayuu Verratti u sheegay L’Equipe, “Kadib waxaan la hadlay ciyaartoyda Barcelona waxeyna ii sheegeen in kulanka uu dhamaaday”

“Inaad ku hesho 7-daqiiqo sadex gool, uma heli karo wax sharaxaad ah, waa kubadda cagta”

“Kulankaan waligey ma iloobi doono, waxaan rajeynaa iney qof walba cashir u noqoto”

“Iney soo baxdo Barca wey u qalantay, aad bey u adag tahay inaad la ciyaarto, kubadda aad baasto, haddana aad cadaadis saarto sidoo kale waqtiga ugu horeeya, balse qeybtii labaad, waxaan helnay xooga tabar ah”

Ugu dambeyntiina Marco Verratti ayaa ku dhiirigaliyay ciyaartoyda Paris Saint Germain iney madaxa ciida ka ceshtaan isla markaana ay iska iloobaan wixii dhacay.

 

Comments

comments