Fabregas, Ibrahimovic & Aguero Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Isbuuca Horyaalka Ingiriiska Ee Khabiirka BBC-da Garth Crooks

Date:

Kulamada Isbuucii labaad ee horyaalka Ingiriiska ayaa xalay lasoo afjaray iyadoo khabiirka isboortiga BBC-da Garth Crooks uu soo saaray shaxdiisa ugu fiican kooxda isbuuca waxaana hogaanka u haya xidigaha Manchester City.

Citizens oo marti aheyd waxey xiligii qadada sabtida gurigeeda kusoo xasuuqday Stoke City oo ay kusoo garaacday 4-1, Sergio Aguero ayaa dhaliyay laba gool kaas oo Zlatan Ibrahimovic kula midoobay halka ugu sareysa gooldhalinta Horyaalka Ingiriiska, balse khabiirka sooma xulan Nolito oo laba gool dhaliyay qeybahii ugu dambeeyay ciyaartaas.

Sidoo kale waxaa shaxdaan kasoo muuqday Raheem Sterling oo aad moodo inuu dib u dhashay tan iyo markii xilka tababaranimo ee kooxda loo dhiibay Pep Guardiola wuxuuna sameeyay waxqabad fiican isagoo ku lug yeeshay guul walba oo ay kooxda gaartay dhamaan tartamada oo dhan, halka John Stones uu isna kasoo muuqday waana xidiga sadexaad ee City uga qeyb ah shaxdaan.

Garth Crooks isha kama qarsan waxqabadka wiilka riyada ee Midlesbrough (Stuani) kaas oo laba gool kooxdiisa ku saaciday kulan ay guul weyn ka gaareen Sunderland, waxaana dhexda kula lamaan ah wiilkii u dulmanaa Antonio Conte (Cesc Fabregas) kaas oo bandhigiisa laga yaabay daqiiqadahii uu garoonka ku jiray kulankii ay guusha ka heleen Watford markaas oo uu masuul ka noqday inuu si aan caadi aheyn caawiye uga noqdo goolkii guusha ee Diego Costa.

Dhaliyaha labada gool oo ay Manchester United kaga talaabsatay Southampton kuna soo afjartay laba xili ciyaareed oo xiriir ah oo ay kooxdaas ku badineysay Old Trafford ninka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa kasoo muuqday shaxda kaas oo sida laga filayay si ka duwan uga soo muuqday EPL-ka markii uu sadex gool laba kulan ku dhaliyay.

Dhanka kale ciyaartoyda kale ee shaxda kasoo muuqday waxaa ka mid ah daafaca Chelsea (Cesar Azpilicueta), wiilka socodka badan ee Burnley (Lowton), da’yarka Everton (Holgate) iyo burburiyaha Hull City wiilkii hore Spurs Huddlestone.

shaxada

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...