Somaliland: “Male Maaha, Madaxweynuhu Codsi Buu Geeyay Baarlamaanka, Heshiis Muu Geynin, Codsi Iyo Qodobadda Uu…”

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire oo waraysi uu siiyay SAABTV kaga hadlay saldhiga millateri ee xukuumaddu damacsantay inay Imaaraadka ka siiso Berbera, banaanbixii London ka dhacay ee lagaga soo horjeeday saldhigaa, qodobaddii labada gole la hor geeyay iyo arrimo kale oo la xidhiidha ictiraaf la’aanta Somaliland iyo wadahadalkii Somaliland iyo soomaaliya.

Mar wax laga waydiiyay mudaharaadkii London ee lagu diiddanaa saldhiga siduu u arko wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Qofka muwaadinka ahi wixii uu xaq u leeyahay inuu sameeyo ciddina u diidi mayso, laakiin wax waliba nidaam bay leeyihiin. Wax walbana waxa fiican in loo meel dayo oo laga fekero marka hore, muxuu faa’iido keeni karraa, muxuu khasaare keeni karraa ayaa wanaagsan in la miisaamo, muwaadinku wuxuu leeyahay meelo fara badan iyo albaabo fara badan oo uu ku cabiri karro fikirkiisa.”

Wasiir Sacad Cali Shire oo lagu tilmaamo Wasiir sumadda hadalkiisu caddahay marka uu ka hadlayo xil ahaan arrimaha khuseeya, mar wax laga waydiiyay arrinta saldhiga iyo qododbaddii Madaxweynuhu hor geeyay golayaasha, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi;   “Wax male ahba maaha, Madaxweynuhu codsi buu geeyay Baarlamaanka, heshiis ma gayn, codsi buu geeyay iyo qodobadda uu doonayo  heshiiska inay ku jiraan ee lagala hadlayo cidda ina soo waydiisatay saldhiga oo ah dawladda Imaaraadka, wadahadalkiina weli muu bilaabmin.” Wasiirku wuxuu ka gaabsaday inuu sharaxaad buuxda ka bixiyo faa’iiddada iyo khasaaraha Somaliland ugu jirra saldhiga milateri iyo wuxuu Isagu ka aaminsan yahay.

Wasiir Sacad mar wax laga waydiiyay wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Kolay kama rajo xumin, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya laftiisu wuu soo hadal qaaday arrintaa, caalamkuna wuxuu aaminsan yahay ahmiyadda wadahadaladu leeyihiin, waayo, haddii la wada hadli waayo oo la mari waayo jidka nabadda iyo wadahadalka, waxa la mari doonnaa jidka cunfiga iyo isku dhaca iyo iska hor imaadka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...